Askari Yuhuudi ah " Dagaalkii Axadda Jaxiimo ayuu nagu ahaa".

Tuesday July 22, 2014 - 16:40:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 35
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Askari Yuhuudi ah " Dagaalkii Axadda Jaxiimo ayuu nagu ahaa".

    Askari Yuhuudi ah oo ka bad baaday iska hor imaad culus oo maalintii Axaddii ka dhacay xaafadda Shujaaciyah ee Jiidda Qaza ayaa ka sheekeeyay wixii uu indhihiisa uu ku arkay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari Yuhuudi ah oo ka bad baaday iska hor imaad culus oo maalintii Axaddii ka dhacay xaafadda Shujaaciyah ee Jiidda Qaza ayaa ka sheekeeyay wixii uu indhihiisa uu ku arkay.


Barta Internetka "walla” ee Yuhuuddu ay iska leeyihiin ayaa wareysi la yeelatay Askarigan oo ka tirsan Guutada Golan, taas oo maalintii Axaddii isku dayday inay gudaha u gasho xaafado ka tirsan magaalada Qaza, xilli ay socdeen duqeymo culus oo isugu jira cir, dhul iyo bad oo Yuhuuddu ay ku garaacayeen Jiidda Qaza.

” Guutada Golan waxaa maalintii Axaddii qabsaday mid ka mid ah maalmihii ugu adkaa ee taariikhda soo mara, waxaa laga dilay 13 Askari, 50 kalena waa laga dhaawacay” ayuu yiri Askarigan oo diiday inuu magaciisa sheego.



Wuxuu tilmaamay inay ku adkaatay inay soo daad gureeyaan meydadka Askarta ku dhimatay dagaalka iyo kuwa ku dhaawacmay, isagoona xusay in qalbi jab xooggan uu qabsaday Askarta markii ay arkeen saaxiibadooda dagaalka ku dhintay.

Askariga oo sii hadlaya wuxuu yiri : "Xaalka aad ayuu noogu adkaa, waxaan aragnay Taliyihii guutada oo korkiisa oo dhan uu dhiig qariyay, lugtiisana ay horteenna ku go’day, taliyihii howl gelinta oo dhintay, ku xigeenkii taliyahana Ciidanka iyo madaxa qeybta Sirdoonka oo dhaawac culus soo gaaray”.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray : ” baabuurkii ay Ciidanka la socdeen waxaa qabsaday qarax weyn, waxaan markii hore u maleynay gantaal Cornet ah oo nagula soo ganay, meesha uu weerarku ka dhacay aad bay ciriiri u aheyd, kadib waxay billaabeen inay nagu asqeeyaan rasaas aan kala go’ laheyn, hadafkoodu wuxuu ahaa inay Askar afduubtaan ama ay meydad qaataan”.

Askarigan ka bad baaday weerarkii xoogganaa ee Axaddii dhacay oo sii hadlaya wuxuu sheegay in dagaalyahannada soo weeraray ay kasoo baxayeen godad kuyaalla dhulka hoostiisa, isagoo tilmaamay in Ciidanka Yuhuuddu ay ku wareereen xaaladda iyo sida ay wax u socdaan, kadibna ay qasab ku noqotay in jiho walba ay u furaan rasaas xooggan oo aan hadaf laheyn.

” Laba saacadood ku dhow oo dagaal ah ayaa dhacay, xabadaha waxaan u furnay si aan kala joogsi laheyn si aan goobta uga fogeyno, laakiin waxaa kedis kuugu noqonaya in midkood uu kaaga soo baxayo dhulka hoostiisa, rasaas xoogganna uu kugu furaayo, waxaan saacado ula dagaalameyno si aysan usoo gaarin baabuurta aan saarneyn”.

Askarigan bad baaday wuxuu sifeeyay wixii uu maalintaas indhihiisa uu ku arkay: ” wax walba oo horteenna yaalla waxay ahaayeen dhiig iyo hilbo go go;ay, waxaan kala saari weynay saaxiibadeenna, jiha wareerka ayaa naga batay, muuqaalladaas oo kale weli ma arag, Askartu waxay ahaayeen kuwa qeylinaya oo ooyaya, dagaalk kadibna waxaan kala garan weynay saaxiibadeenna wixii dhintay iyo wixii nool, wixii bad baaday iyo wixii la qafaashay”
.

Si kasta oo ay ahaataba, Warbaahinta Yuhuudda ayaa waxay warbixinno kala duwan ka qoryaan khasaaraha culus ee Askartooda ku qabsaday weerarka dhinaca dhulka ah ee ay isku dayeen inay ku qabsadaan xaafado ka tirsan magaalada Gaza, waxaana marba marka ka dambeysa soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha Yuhuudda kasoo gaaray dagaalka dhinaca dhulka ah.

Isha Warka : Islammemo Ama Halkan Riix


Related Items