Dhaqankii Suubanaa Ee Soomaalida oo Sii Sal Guuraya W/Q Warfaa Kheyrdoon.

Saturday June 25, 2016 - 07:22:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dhaqankii Suubanaa Ee Soomaalida oo Sii Sal Guuraya W/Q Warfaa Kheyrdoon.

    Soomaalida oo ah dad uu Allaah ku sharfay iney matalaan Muslimiinta geeska Afrika, sidoo kalana ku tilmaanman ummad ka mideysan diinta, dhaqanka, luqadda iyo isirka, ayaa waxaa wali kusii socda dagaalkii dhanka gaalada uga imanayay, waxaana ka tilmaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalida oo ah dad uu Allaah ku sharfay iney matalaan Muslimiinta geeska Afrika, sidoo kalana ku tilmaanman ummad ka mideysan diinta, dhaqanka, luqadda iyo isirka, ayaa waxaa wali kusii socda dagaalkii dhanka gaalada uga imanayay, waxaana ka tilmaami doonaa dhowr qodob anigoo ku hor maraya duullaanka dhanka Caqiidada.


Dhammaan magaalooyinka ay qabsadeen ciidamada shisheeye iyo kuwa ay ka taliyaan maamul goboleedyada ku daaban Xabashida, ayaa waxaa ku sugan hey’ado iyo ururo (NGOS) hawshoodu tahay hirgalinta Kimis iyo Kitaab laysku lamaaniyey {Biscuit and Bible} si ay rukumada ugu siibaan dhaqanka ummada.

Hey’adahan ayaa intooda badan xoogga saara dhanka wax barashada si ay uga faa’iideystaan caruurta oo iyagu ah kuwa u nugul dhaqan doorinta, waxayna juhdi iyo dhaqaale badan ku bixiyaan sidii ay manaahijtooda halyesan u cabsiin lahaayeen.



Haddaba si ay uga mira dhaliyaan hadafkooda gaaleysiineed ee Mustaqbalka dhow, waxay aad isugu hawlaan iney caruurta ka marin habaabiyaan luqadda Carabiga oo ah luqadda Diinteena iyo afka Hooyo ee Soomaaliga.

Ardayda dhigata dugsiyada sare ee ay gacanta ku hayaan UNESCO iyo hey’adaha ku xiran, Af-Soomaaliga waa ku hadlaan oo kaliya balse ma qoraan, xataa lama barin oo ma kala yaqaaniin: shaqal iyo shibbane, magac iyo magac-u-yaal, fal iyo fal-kaab iwm.

Waxaana filayaa in qof walba uu dareemi karo sida uu noqon karo dhaqanka jiil lagala dagaalamay afafka Carabiga iyo Soomaaliga, dabcan ujeedadu waa iney ardaydu ku hidde noqdaan reer galbeedka kadibna si fudud lagu galiyo diinta Kirishtaanka.

Dhagarahan halista badan ayaa waxaa ka badbaaday oo kaliya caruurta iyo bulshada ku dhaqan wilaayaadka islaamiga ah ee ay maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ay ka jiraan dugsiyo Qur’aan oo tayaysan, iskuullo iyo macaahid lagu barto cilmiga sharciga iyo maadi ka barax tiran fasaadka iyo gaalnimada shisheeyuhu wadaan.

Hay’adaha Kale

Intaa waxa dheer hey’ado dhanka insaaniyadda ku gabbada oo ay kamid yihiin WFP, WHO, UNICEF iyo WORLD VISION kuwaasoo xoogga saara sidii ay u gaaleysiin lahaayeen dadka gaajeysan, kuwa jiran iyo kuwa shaqa la’aantu heyso.

Dadka doonaya iney u shaqeeyaan hey’adahan iyo kuwa lamidka ah, waxaa shuruud looga dhigaa iney gaaloobaan, taasoo ku tuseysa heerka uu gaarsiisan yahay duullaanka lagu soo qaaday diinta islaamka.

Hay’adda WORLD VISION oo ah hay’ad Kiristan ah islamarkaana laga leeyahay wadanka Mareykanka kana hawl gasha Soomaaliya ayaa waxay dhawaan qeybteeda Garowe joogto shaacisay iney jago shaqo ka bannaan tahay, iyadoo qofka Soomaaliga ah ee doonaya shaqadaasi shuruud uga dhigtay inuu Gaal yahay!.

Xarakada Al-Shabaab ayaa muddo dhowr sannadood ah ka hor mamnuucday in hay’adaha wax gaaleysiiyaahi ka hawl galaan wilaayaadka islaamiga ah, waxaana tallaabooyinka muuqda ee ay haatan hay’aduhu lasoo bexeen ka marqaati kacayaan in mujaahidiintu leeyihiin aragti fog oo islaami ah.

Halis Kale

Magaalooyinka ay ka taliyaan shisheeyaha iyo kuwa daba-dhilifka waxaa sannadihii ugu dambeeyay kusii baahayay ol’ole dhanka Cayaaraha ah oo lagu doonayo in dhallinyarada lagu jecleysiiyo gaalada, kaasoo ay kaalinta ugu weyn ka qaadanayaan war baahinta reer galbeedka sida BBC, VOA iyo kuwa maxalli ah oo ku daaban shisheeyaha.

Idaacadahan ayaa joogto u baahiya horyaalada Yurub, waxayna intooda badan barnaamijyadooda Sporti-ga ku beegaan xilliyada salaada, siiba duhurka, casarka iyo cishaha, waana dagaal fasaadinaya cibaadada dhanka kalana barbaarta muslimiinta ah jecleysiinaya gaalada, halkii ay ahayd in lagu xiro Nabigeena Muxamad SCW iyo saxaabada RC.

Arrinta aan sida aadka ah ula yaabay ayaa waxay tahay inaan daawaday oo aan dhagahayga ku maqlay wiil Soomaali ah oo ka shaqeeya mid kamid ah idaacadaha Muqdisho oo iska ooynaya! Haddaba wuxuu la ooyay ma ahan jacaylka Allaah SW iyo Rasuulkiisa SC, ma ahan Qur’aanka iyo Sunnada, mana ahan jacaylka Jannada iyo ka baqidda Naarta, ee waa gaal lagu magacaabo Kiristian Ronaldo oo gool dhaliyay!.

Af qalaad.

Haddii Soomaalida lagala dagaalamay diintooda iyo dadnimadooda, xataa looma dhaafin luqadda Soomaaliga, waxaana ii muuqda ol’ole weyn oo lagu doonayo in booskeeda la galiyo tan Ingiriisiga.

Marka aad mareyso magaalooyinka shisheeyuha iyo dabadhoonadu ka taliyaan, waxaad arkeysaa in dhammaan magacyadii goobaha ganacsiga loo badalay Engilish, tusaale eraygii dukaan waxaa lagu beddelay {shop} waxaad meel kasta ku arkeysaa Shop hebel, sidoo kale eraygii laanta waxaa lagu beddelay {branch}, meel kasta waxaad ku arki branch hebel, si lamid ah eraygii carwadawaxaa lagu beddelay (super market) iyadoo meel walba aad ku arkeyso Super marked hebal, maqaayada waxaa lagu beddelay (restaurant), meel walba waaad ku arkeysaa Restaurant hebal. Af qalaad aqoon maaha.

Isku soo wada duuboo ma jirto meel maanta u fayow ummada Soomaaliyeed, waxaa lagala dagaalamay diin, dadnimo, dhaqaale, wax barasho, horumar, midnimo iyo afkooda hooyo. Haddaba waxaan maqaalkeyga kusoo gunaanadayaa su’aasha ah: maxaa nala gudboon?.

W/Q Warfaa Kheyrdoon


Related Items