Adeegsiga Dacaayad Warbaahineed iyo Faafinta Been oo Sabab u Ahaa Eryiddii Taliye Tuur Yare.

Saturday June 25, 2016 - 07:22:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adeegsiga Dacaayad Warbaahineed iyo Faafinta Been oo Sabab u Ahaa Eryiddii Taliye Tuur Yare.

    Eryidii dhawaan lagu sameeyay Cabdi Raxmaan Tuuryare taliyihii nabad sugidda dowladda Federaalka ayaa jawaab celinno kala duwan laga bixinayaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eryidii dhawaan lagu sameeyay Cabdi Raxmaan Tuuryare taliyihii nabad sugidda dowladda Federaalka ayaa jawaab celinno kala duwan laga bixinayaa.

Ilo wareedyo mas’uul ah ayaa sheegaya in dowlado shisheeye ay amar kusiiyeen Xasan Gurguurte in uu casilo madaxii nabad sugidda kadib markii uu adeegsaday dacaayad rakhiis ah oo wax u dhimaya ammaanka.

Saraakiil Mareykan iyo Ingiriis ah ayaa la sheegay in Xasan Gurguurte ay ku cadaadiyeen eryidda Tuuryare, xilka qaadista taliyihii Nabad sugidda ayaa si lama filaan ah u dhacday.

Wararku waxay sheegayaan in iyadoo aan la diyaarin ciddii bedeli laheyd Tuuryare xilka laga qaaday taasi oo muujinaysa in uusan jirin rabitaan ka yimid hoggaamiyaha DF-ka.


Warar kale oo lagasoo xigtay siyaasiyiin mucaaradsan Xisbiga Damuljadiid ayaa sheegaya in xilka qaadistu ay ku timid isbedel siyaasadeed oo Gurguurte uu ku doonayo in uu isaga khafiifiyo culeyska uu kala kulmayo Xisbiga Ala-sheekh oo ay ku midaysanyihiin siyaasiyiinta ay isku fikirka yihiin Shariif Sheekh Axmed.

"Xasan Sheekh wuxuu doonayaa in uu iska fududeeyo culeyska saaran oo uu kasbado qabiillo hor leh taas ayaa keentay in uu eryo Tuuryare si aan loo dhihin Damul Jadiid ayaa xukunka isku koobay” sidaas waxaa yiri siyaasi katirsan xisbiga Daljir.

Dowladaha gumeysta Soomaaliya ayaa Tuuryare ku helay dambi ah adeegsiyada dacaayad dhanka amniga ah sida isagoo gaadiid walxaha qarxa lagusoo raray oo DF-ka leedahay saxaafadda ugusoo bandhigay Muqdisho isagoo ka dhigayay in Al Shabaab lagasoo qabtay.

Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in mas’uuliyiin katirsan Sirdoonka dowladdiisa ay dacaayado been ah u adeegsadeen sugidda amniga islamarkaana ay xilka ku waayeen balse ma uusan sheegin magacyada mas’uuliyaddaasi.

Dacaayadda rakhiista ah waa midda ugu badan ee la degtay hanaanka ammaan sugidda DF-ka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items