Axmed Madoobe: Al Shabaab Waa Weerar Annaga iyo AMISOM Difaac Ayaan Kujirnaa!.

Saturday June 25, 2016 - 09:05:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe: Al Shabaab Waa Weerar Annaga iyo AMISOM Difaac Ayaan Kujirnaa!.

    Hoggaamiyaha maamulka dabadhilifka Jubbaland Dagaal Ooge Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyay in ciidamada shisheeyaha AMISOM ee Soomaaliya kusoo duullay ay ku fashilmeen soo Afjaridda Shabaabul Mujaahidiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Madoobe ayaa Soomaaliya Kusoo Hoggamiyay Ciidanka Gumeysiga Kenya ee Kismaayo ixtilaalay
Hoggaamiyaha maamulka dabadhilifka Jubbaland Dagaal Ooge Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyay in ciidamada shisheeyaha AMISOM ee Soomaaliya kusoo duullay ay ku fashilmeen soo Afjaridda Shabaabul Mujaahidiin.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in xarakada Al Shabaab ay ku guuleysatay in cadawgeeda ay ku daaliso dagaalka islamarkaana ay kala dhantaashay.

Isagoo Wareysi siinayay warbaahin ku hadasha afka shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay ayuu ku cataabay in caalamku uusan isku aragti ka aheyn dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyo maamullada islaamiga ah ee Soomaaliya kajira.

"Dhowr iyo labaatan kun oo AMISOM ah hal dhufays ayay sedax sano ku jiraan, Al Shabaabkiina anaga ayaa difaac uga jirna oo ay nasoo weerarayaan” ayuu yiri Axmed Madoobe.


Hoggaamiyahan Dabadhilifka u ah Kenya iyo Itoobiya ayaa isagoo beenloow ah markale run sheegay wuxuuna ka shanqariyay in 22 kun ciidamo Afrikaan ah oo magaca AMISOM ku jooga Soomaaliya iyo tobanaan kun soomaali ah ay ku guuleysan waayeen in ay wiiqaan Al Shabaab.

"Qaacidda melleteri baa oranaysa difaac la sameeya waxaa ugu wanaagsan weerar, maanta iyagii ayaa weerar ah intaas oo ciidan ah baan sheeganaynaa intaas oo dowladood baan sheeganaynaa milyanis baa laga hadlayaa,milyanisbaa maalin walba ku baxda ma khudaarta iyo tufaaxa AMISOM ayaa Muqdisho looga iibiyaa”ayuu markale ku calaancalay Axmed Madoobe.

Isagoo la yaaban sida dowladaha shisheeye u dhagrayaan dabadhilifyada uu isagu kamid yahay ayuu sheegay in waxa loogu yeero beesha caalamka ay bahdil dhan walba ah ku hayaan maamul goboleedyada iyo DF-ka.

Dagaal Ooge Axmed Madoobe oo taariikh Madoow ku leh Soomaaliya ayaa qiray in dalku gumeysi kujiro islamarkaana maamul goboleedyada ladhisay ay meesha ka saaranyaan midnimada umadda iyo qarankii Soomaaliya wuxuuna tusaale usoo qaatay in magaalada Kismaayo aan laga aqoon calanka buluugga ah ee Soomaaliya balse carruurta labaray calanka maamulka Kenya taabacsan ee Jubbaland lagu magacaabo.

Waa Caddeymo kale oo uu jeediyay mid kamida dabadhilifyada ugu taariikhda xun Soomaaliya tanina waxay hurdada ka kicinaysaa kumanaan soomaali ah oo markii hore u dagmay waxa ay tahay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka ku hoos daaban.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items