Madaxweyna Turkiga oo Sheegay in Israa'iil ay iska Kaashanayaan la dagaalanka Argagaxisada.

Tuesday June 28, 2016 - 07:06:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyna Turkiga oo Sheegay in Israa'iil ay iska Kaashanayaan la dagaalanka Argagaxisada.

    Xukuumadda dabadhilifka Turkiga ayaa caadiyaysay xiriirkii kala dhaxeeyay maamulka Yahuudda 'Israa'iil' ee xoogga ku heysta dhulalka barakeysan ee Filasdiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda dabadhilifka Turkiga ayaa caadiyaysay xiriirkii kala dhaxeeyay maamulka Yahuudda 'Israa'iil' ee xoogga ku heysta dhulalka barakeysan ee Filasdiin.

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogaan iyo R/wasaaraha Yahuudda Benyamin Netenyahu ayaa shir Jaraa’id oo ay wada qabteen ku sheegay in dib loo soo celiyay cilaaqaadkii labada maamul u dhaxeeyay.

Erdogaan oo hadlayay ayaa sheegay in labada dhinac ay caadiyeeyeen xiriirkooda islamarkaana shirkadaha maalgashiga Turkiga ay dib uga shaqa bilaabi doonaan magaalooyinka Yahuuddu xoogga ku heystaan.

Wakaaladda wararka Turkiga ayaa sheegtay in shirkadda diyaaradaha Turkish Airways ay duulimaadyo joogta ah ku tagi doonto magaalooyinka Alqudus iyo Talabib.


Kumanaan dad Yahuud dalxiisayaal ah ayaa iyana dib ugusoo laaban doono magaalooyinka dalka Turkiga, xukuumadda dabadhilifka Ankara ayaa ka tanaasushay dhammaan qodobadii ay Yahuudda isku khilaafsanaayeen.

1-Erdogaan ayaa ka tanaasulay shardigii uu ku xiray caadiyaynta cilaaqaadka Yahuudda ee ahaa in hareeraynta laga qaado magaalada Qaza ee Ururka Xamaas uu maamulo.

2-Turkiga wuxuu xaaladaha ka taagan Alqudus iyo Gazza u arkaa kuwa maxalli ah oo gaar u ah Filasdiiniyiinta!.

Xukuumadda Turkiga oo sanadadii dambe sheeganaysay in ay difaacayso qadiyadda Filasdiin ayaa u muuqata in ay martay dhanka Yahuudda iyo Mareykanka.

Turkiga ayaa horay xadka uga xirtay boqolaal kun oo katirsan shacabka Suuriya ee kasoo cararay xasuuqa ka socdo wadankooda.

Dhinaca kale Madaxweynaha Turkiga ayaa raalli gelin ka bixiyay dilka duuliye Ruush ah iyo diyaarad lasoo riday sanadkii lasoo dhaafay taasi oo keentay in uu go’o xiriirkii ka dhaxeeyay labada wadan.

Shucuubta Filasdiin iyo Suuriya ayaa ka carooday isbedellada ku yimid siyaasadda Turkiga ee ku wajahan wadamadooda.

Related Items