Daawo:Dowladda Federaalka oo Soo Saartay Xeer Dhigaya in Raggu Ragga Kale Guursan Karaan Qaniisnimaduna Banaantahay!

Wednesday June 29, 2016 - 14:51:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7184
  • (Rating 2.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 4 2
  • Share via Social Media

    Daawo:Dowladda Federaalka oo Soo Saartay Xeer Dhigaya in Raggu Ragga Kale Guursan Karaan Qaniisnimaduna Banaantahay!

    Fadeexad ayaa mar kale ku habsatay Hoggaanka dowladda Federaalka ee kaba qaadka u ah shisheeyaha duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/wasaare Sharmaake ayaa ansixiyay Xeerka Qaniisnimada bogaadinaya
Fadeexad ayaa mar kale ku habsatay Hoggaanka dowladda Federaalka ee kaba qaadka u ah shisheeyaha duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya.

Dowladda Federaalka waxaa ku caddaatay dhammaan eedeymihii loo jeedin jiray oo ahaa in ay sharci ka dhigteen qawaaniinta reergalbeedka ay ka baxeen diinta islaamka.

Fadhi ay golaha wasiirradu ku yeesheen madaxtooyada Villa Somalia ayay isku raaceen in ay gaaloobaan ayna gaalnimadaas ku dhax faafiyaan bulshada dhaxdeeda arrinkaas oo ka caraysiiyay wadaada xumayaal Xaaraanta sharci uga dhigi jiray bulshada Soomaaliya.


Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa si tartiib tartiib ah ugasoo muuqanayay wixii ay Al Shabaab ku sheegi jirtay oo aheyd in ay "Riddoobeen” marka halbeeg sharci ah lasaaro Ansixinta Xeerka Jinsiga ee dhigaya in Raggu Ragga guursan karaan dumarkuna dumarka kale!!.

Shir uu shir guddoominayay Cumar Cabdi Rashiid ayay golaha wasiiradu ku ansixiyeen xeerka ay ugu magac dareen "Siyaasadda qaran ee Jinsiga”, oo dhammaanteed ah gaalnimo miiran haba yaraatee kuma jiro qodob waafaqsan Shareecada Islaamka.

Waa xeer ay soo saareen kuwo ugu liita Bani’aadamka adduunka kunool waa qaar kamid ah wadamada reergalbeedka iyo kuwa Afrika ee qaba in raggu is fuul fuulo, waa taas dowladdii beesha caalamka usoo dhistay soomaaliya Wadaadada Ictisaamka ayna Fataawo ku sharciyeeyeen.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wadaado sheegta hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayay uga hadleen go’aanka xukuumadda Federaalka ee ah in raggu ragga guursan karo balse bayaanku ma caddeyn xukunka sharciga ah ee kuwa qaanuunkaas soo sardiyay kadibna qalinka ku duugay marka lagasoo tago in bayaanku caddeeyay xaaraantinimada go’aanka nuucaas ah.

Bashiir Axmed Salaad oo bayaanka akhriyay xukuumadda ayuu wadaad u yahay afkiisana ku difaacaa waxaana muuqata in uu iska bari yeelayo xeerkan aan ka gadmi Karin shacabka soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Xildhibaan Daahir Amiir Jeesoow oo katirsan Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sedax sanadood ka hor ku baaqay in qaniisnimada lagu faafiyo gayiga soomaaliya!

Hoos Ka Daawo Wadaada xumayaasha taageera ciidamada Shisheeye oo markan kasoo horjeestay dowladdii ay taageeri jireen


Related Items