Faah Faahin:Sheekh Abuu Cabdalla oo loo magacaabay Waalliga Jubbooyinka.

Saturday July 02, 2016 - 12:10:54 in Wararka by
  • Visits: 5250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Sheekh Abuu Cabdalla oo loo magacaabay Waalliga Jubbooyinka.

    Wararka ka imaanaya Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka ayaa sheegaya in isbadal dhanka maamulka ah laga sameeyay halkaas, taas oo qoyb ka ah isbadallo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Wilaayaatka Islaamiga ah ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Max'med Abuu Cabdalla Waalliga Cusub ee Wilaayada Jubbooyinka
Wararka ka imaanaya Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka ayaa sheegaya in isbadal dhanka maamulka ah laga sameeyay halkaas, taas oo qoyb ka ah isbadallo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Wilaayaatka Islaamiga ah ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Shabakadda Wararka SomaliMeMo ayaa xaqiijinaya in Maktabka Siyaasadda iyo xiriirka Wilaayaat-ka ee Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin uu Waaliga cusub ee Wilaayada Islaamiga Jubooyinka u magacaabay Sheekh Maxamad Abuu Cabdalla isagoo badalay waaligii hore ee Wilaayadaas Sheekh Xudayfa Cabdi Raxmaan .

Kulan ballaaran oo la iskugu yeeray qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Wilaayada Jubbooyinka dhamaan sida Culimada, odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo aqoonyahanada ayaa lagu shaaciyay in wixii maanta ka dambeeya Waaliga cusub ee Wilaayada uu yahay Sheekh Abuu Cabdalla, waxaana halkaas hadallo ka jeediyay masuuliyiin ka tirsan Mujaahidiinta iyo Labada Waali ee xilka lakala wareegay.



Sheekh Maxamad Abu Cabdalla oo ka mid ah Mas’uuliyiinta ugu caansan Mujaahidiinta ayaa hore waqti aad u dheer wuxuu usoo ahaa Waaligii Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada Hoose, isagoo lagu ammaanay sidii wanaagsaneed ee uu bulshada Muslimiinta ah ugu soo adeegay mudadii Sagaalka sano ku dhaweed ee Waaliga halkaas kasoo ahaa.

Sheekh Maxamad Abu Cabdalla ayaa noqonaya Waaligii saddexaad oo ay Xarakada Al-Shabaab u magacawdo Wilaayada Jubbooyinka tan iyo markii ay Maamulka labadaas gobol gacanta ku dhigtay muddo laga joogo 9 sanadood.

Waxaana hore xilalkaas usoo qabtay Sheekh Abuukar Cali Aadan iyo Sheekh Xudayfa Cabdi Raxmaan oo ah Waaliga hadda la badalay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items