Sawirro:Diyaarado Aan La Aqoon Duqeyn Ka Geystay Duleedka Degmada Jilib.

Wednesday July 23, 2014 - 06:18:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:Diyaarado Aan La Aqoon Duqeyn Ka Geystay Duleedka Degmada Jilib.

    Shalay gelinkii dambe ayay diyaarada dagaal oo aan la aqoon duqeymo aan wax khasaara ah geysan ka fuliyeen duleedka degmada Jilib ee Jubbada dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay gelinkii dambe ayay diyaarada dagaal oo aan la aqoon duqeymo aan wax khasaara ah geysan ka fuliyeen duleedka degmada Jilib ee Jubbada dhexe.

Wararka ka imaanaya Jilib ayaa sheegaya in laba diyaaradood oo dhanka Afmadoow kasoo kicitimay ay laba gantaal ku dhufteen meel duur ah oo dhaca duleedka degmadaasi.

Wariyaal ayaa soo sheegay in madaafiicda ay tuureen diyaaradaha ahaayeen kuwa aan horay loo arag maadaama  dhulka ay ka qodeen godad waaweyn.

Shaki badan ayaa lagelinayaa in diyaaradaha duqeymaha geystay ay leedahay dowladda Kenya waxaana loo badinayaa in ay yihiin diyaaro reer galbeed marka loo eego baraamiisha walxaha qarxa ah oo ay ku daadiyeen duleedka degmada.


Ciidamada difaaca cirka wilaayada Jubbooyinka ayaa si adag uga hortegay weerarka dhanka cirka ah ee shacabka Jilib lala damcay iyagoona hawada ka dab xiray.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyada ka dhashay duqeynta iyo madaafiicda lidka diyaaradaha oo hawada ku qarxaysa.







Related Items