Daawo: Yuusuf Dabageed oo Sheegay in Askarta Jabuuti Ee Magaalada Beled Weyne ay isaga Dil Ugu Hanjabeen!

Wednesday July 27, 2016 - 12:46:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Yuusuf Dabageed oo Sheegay in Askarta Jabuuti Ee Magaalada Beled Weyne ay isaga Dil Ugu Hanjabeen!

    Maamulka gobolka Hiiraan ugu magacaaban dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay goodis uga yimid askar iyo saraakiil katirsan ciidamada Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yuusuf Dabageed ayaa dhammaadkii 2006 ciidamada Itoobiya kusoo Hoggaamiyay Magaalada Beled Weyne
Maamulka gobolka Hiiraan ugu magacaaban dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay goodis uga yimid askar iyo saraakiil katirsan ciidamada Jabuuti.

Yuusuf Hagar Dabageed oo ah guddoomiyaha Hiiraan ayaa xaqiijiyay in ciidanka Jabuuti ay dhibaata xooggan u geysteen dad shacab ah iyo mas’uuliyiin maamulkiisa katirsan.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Beled Weyne ayuu sheegay in isaga iyo saraakiil la socotay uu dil ugu hanjabay mid kamida ciidamada Jabuuti oo amar ka helayay sarkaal Jabuutiyaan ah.

"Ciidamada Jabuuti inkastoo ay wax noo qabteen hadane askari iyo sarkaal ayaa aniga iyo mas’uuliyiin ila socotay noogu hanjabay in ay nadilayaan, ciidanka Jabuuti si gardarra ah ayay 11 baabuur oo dad shacab ah leeyihiin rasaas ugu fureen markaan lahadalnay annaga ayay dil noogu hanjabeen”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.


Ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beled weyne ayaa dhibaata dhan walba ah ku haya bulshada iyagoo taayarada ka banjariya gaadiidka dadweynaha ee diida in ay bixiyaan lacago baad ah.

Sidoo kale ciidanka Jabuuti waxay fisqi iyo fasaad ku dhax faafinayaan bulshada dhaxdeeda, saldhigyada Jabuutiyaanku uga suganyihiin Beled Weyne waxay isku bedeleen goobo jirka dumarka looga ganacsado.

Dhibaatada haysata shacabka Beled weyne ee dhanka Jabuutiyaanka ka imaanaysa waxay saameysay xataa kuwa dabadhilifyada u ah shisheeyaha ee sheegta in ay dowlad yihiin.

Yuusuf Dabageed iyo odayaal taageersan shisheeyaha ayaa horay ugu hadaaqay "Jabuuti waa Hiil Walaal” maanta aragtidaasi waa isbedeshay waxayna ku hadaaqayaan "Jabuuti hiil gumeysi”.

Hoos Ka Daawo ama halkan Guji Yuusuf Geed oo sheegaya in Askarta Jabuuti ay dil ugu hanjabeen


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items