Warbixin Documentary ah: Itoobiya oo Lacago Balaayiin Dollar Ah Ku Hesha Duullaanka Soomaaliya, dhaqaalihii dalka oo cadawga ugacan galay.

Thursday July 28, 2016 - 16:06:10 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Documentary ah: Itoobiya oo Lacago Balaayiin Dollar Ah Ku Hesha Duullaanka Soomaaliya, dhaqaalihii dalka oo cadawga ugacan galay.

    Warbixin cusub oo ay soo saareen dowladaha dhaqaalaha siiyay dowladda Xabashida Itoobiya ayay ku sheegeen in sare uu ukacay dhaqaalaha wadankaasi tan iyo markii Ciidanka Itoobiya ay duullaan ku qaadeen dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin cusub oo ay soo saareen dowladaha dhaqaalaha siiyay dowladda Xabashida Itoobiya ayay ku sheegeen in sare uu ukacay dhaqaalaha wadankaasi tan iyo markii Ciidanka Itoobiya ay duullaan ku qaadeen dalka Soomaaliya.



Shabakadda Dalsoor ayaa baahisay warbixin muhiim ah oo is dul taag ku sameynaysa dhaqaalaha ay Itoobiya ku hesho duullaanka Soomaaliya.

Liibaan Faarax oo ah dhaqaalayahan Soomaaliya ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya ay la wareegtay ilaha dhaqaalaha dalka Soomaaliya islamarkaana ay u hanqal taagayso sidii ay dhaqaale hor leh uga dhuran laheed Soomaaliya.

http://d.top4top.net/p_209iosz1.jpg



Wuxuu tusaale usoo qaatay in sanadadii 2004 iyo 2005 uu hoos usii dhacayay dhaqaalaha Itoobiya ka hesho reer galbeedka balse markii ay kusoo duushay soomaaliya sanaddii 2006 ayuu dhaqaalaha Itoobiya mar qura isbedelay iyadoona sanaddii 2008 heshay 3.89 Billion Dollars.

Sanadihii 2010 illaa 2014 ayuu sii kordhay dhaqaalaha Itoobiya ay hesho Soomaaliya, marka lagasoo tago dhaqaalaha reer galbeedku Itoobiya kusiiyaan duulaanka Soomaaliya, Addis Ababa waxay soomaaliya ka gurataan dhaqaalo farabadan iyadoo Maandooriyaha Khaatka usoo dhoofiso dalka  islamarkaana maalin walba ka hesho lacago Malaayiin dollar ah.

Warbixintan ay faafisay Shabakadda Dalsoor waxay sheegaysaa in Dowladda Itoobiya ay Beesha Caalamka ka codsatay in wax lagasiiyo adeegyada dhoofinta Soomaaliya!

Shabakadda SomaliMeMo ayaa ogaatay in ciidamada Itoobiya ee qabsaday gobollo dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay lacago Boqolaal kun oo dollar ah ka qaataan ganacsatada iyo shirkadaha Soomaalida, Jeneraal Gabre oo ah madaxa sirdoonka melleteriga Itoobiya ayaa dhaqaalahaasi jeebka ku shubta.

Itoobiya waxay si aan qarsanayn umaamushaan gobollada dalka iyadoo sameysatay hoggaamiyaal soomaali magac uyeel ah oo danaheeda u adeega.
Aqoonyahan Liibaan Faarax ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay iska saaraan Itoobiya haddii kale ay dhaqaale ahaan iyo melleteri ahaan uqabsan doonto dalka iyo Dadka.

 Hoos Ka Daawo ama Halkan Ka Guji



Isha Muuqaalka: DalsoorTV

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items