Dhageyso: Beesha Max'med Zubeyr oo Dooratay Suldaan Cusub iyo Mas'uuliyiin ka Qeyb galay.

Thursday August 04, 2016 - 10:13:58 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Beesha Max'med Zubeyr oo Dooratay Suldaan Cusub iyo Mas'uuliyiin ka Qeyb galay.

    Beesha Max'med Zubeyr oo kamid ah beel weynta Ogaadeen ayaa yeelatay Suldaan cusub oo ay udhantahay beesha dal iyo dibad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Hore kulan ay odayaasha dhaqanka ku yeesheen deegaanka Hargeysa Yareey
Beesha Max'med Zubeyr oo kamid ah beel weynta Ogaadeen ayaa yeelatay Suldaan cusub oo ay udhantahay beesha dal iyo dibad.



Xafladda looga dhawaaqay Suldaan ay dooratay Beesha Maxamed Zubayr ayaa Lagu qabtay deegaan hoostaga degmada Jilib ee wilaayada Jubooyinka.

Culumaa’udiin,Mas’uuliyiin katirsan Xarakada Al Shabaab  iyo Odayaal Dhaqan ayaa ka qaybgalay Munaasabada.

Sheekh Max'med Abuu Cabdalla Waaliga Jubbooyinka iyo Sheekh Max'med Abuu Osaama waaliga shabeellaha Hoose oo khudbado ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay dadaalka beesha iyagoona ballan qaaday in ay la shaqeyn doonaan suldaanka cusub.



Nabadoon ismaaciil Haaruun oo goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeyay waqtiga ay ku qaadatay magacaabisa Suldaan Cabdiqani Sheekh Cabdullaahi Maxamed.

Gaba Gabada Munaasabadda ayaa lagu caana shubay Suldaanka cusub ee Beesha Max'med Zubeyr isagoona sheegay in si waafaqsan shareecada Islaamka uu u maamuli doono beesha.

Halkan ka dhageyso Kalimadihii laga Jeediyay Caleema saarka Ugaaska Beesha Max'med Zubeyr MP3

Ishaqa Maqalka: Idaacadda Alfurqaan

Related Items