Salaad Cali Jeelle "Haddii Doorashadu Waqtigeeda dhici weyso Talada dalka Annagaa La Wareegayna".

Thursday August 04, 2016 - 12:27:57 in Wararka by
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Salaad Cali Jeelle "Haddii Doorashadu Waqtigeeda dhici weyso Talada dalka Annagaa La Wareegayna".

    Shaki iyo walaac ballaaran ayaa laga muujinayaa in waqtigii loogu talagalay ay dhacaan doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa baarlamaaniga DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaki iyo walaac ballaaran ayaa laga muujinayaa in waqtigii loogu talagalay ay dhacaan doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa baarlamaaniga DF-ka.

Siyaasiyiinta mucaarsadan xisbiga Damul Jadiid ee talada haya ayaa ku eedeeyay Xasan Gurguurte iyo siyaasiyiinta ku dhow in ay dib u dhigayaan doorashada si ay dhaqaale dheeri ah usii lunsadaan.

Salaad Cali Jeelle oo horay usoo noqday wasiir iyo Xildhibaan ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in haddii doorashooyinku dhaci waayaan waqtigii loogu talagalay ay iyagu talada la wareegi doonaan.

"Haddii ay doorashadu dhici weyso waqtigii loogu talagalay siyaasiyiinta axzaabta ayaa talada wadanka la wareegaysa, maxaa yeelay dowladdii dalka kajirtay ayaa ballantii ka baxday oo isku dayaysa in ay waqtiga sii dheeraysato”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.


Siyaasiyiintan dabadhilifyada ah ayaa Hoggaanka DF-ka ku eedeeyay in ay si dadban waqtiga usii dheeraysanayso islamarkaana Madaxweynaha iyo siyaasiyiinta la ologga ah ay dhaqaale boob ku jiraan.

"wax laga xumaado waaye in guddigii loo igmaday Doorashada in uu yiraahdo ma sheegi karo waqtiga ay dhaceyso doorashada , waana Masuuliyad darro weyn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Salaad Cali Jeelle.

Waxa loogu yeero Q.Midoobe iyo dowladda Itoobiya ayaa horay u sheegay in dhammaadka bisha Augst ay dhici doonaan doorashooyin waxaana laga cabsi qabaa in Xasan Gurguurte uu arrinkaasi khilaafo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items