Sawirro+Dhageysi: Xaflad Aad U Heersaraysa Oo Lagu Caleemo Saaray Ugaaska Beesha Maxamed Zubayr.

Thursday August 04, 2016 - 17:15:43 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Sawirro+Dhageysi: Xaflad Aad U Heersaraysa Oo Lagu Caleemo Saaray Ugaaska Beesha Maxamed Zubayr.

    Xafladani oo hayd mid aad u qiimo badan isla markaana lagu dooranayay suldaanka guud ee beesha Maxamed Zubeyr ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday deegaanka Hargaysa yarey oo wax ka yar 20 km u jira degmada Jilib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafladani oo hayd mid aad u qiimo badan isla markaana lagu dooranayay suldaanka guud ee beesha Maxamed Zubeyr ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday deegaanka Hargaysa yarey oo wax ka yar 20 km u jira degmada Jilib.


Goobta lagu qabtay xafladda caleemo saarka ayaa ahayd mid si heersare ah loo diyaariyay oo quruxdeeda aad ku arki kartaan sawiradda hoose.

Xafladda caleemo saarka waxa kasoo qayb galay marti sharaf aad u badan oo ka kala yimid dhammaan wilaayada jubbooyinka iyo meel ka baxsan intaba, sidoo kala waxa kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, sida waaliga wilaayada Jubbooyinka Sheekh Maxamed Abu Cabdallaah iyo waaaliga wilaayada Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abu Usama.



Sidoo kale waxaa dadkii goobta xaadiray aad usoo jiitay sida loo diyaariyay barnaamijka,Culimadii ayaa hadashay, suldaankii ayaa hadlay, salaadiintii ayaa soo dhawaysay, waaliyaashii ayaa hadlay,waxyaabaha dadka soo jiitay waxa ka mid ah in wilaayadu suldaanka gudoonsiisay,Baabuur, Qori Ak47 ah, kitaab quraan ah iyo dhiil caano ah,suldaankunainta uu ammaanka ka jaray ayaa saddex xabbo oo darandoori ah cirka u riday.

Waxa kale oo xusid mudan in sidii lagu yaqaanay caleemo saarka salaadiinta waawayn,geel aad u badan goobta lagu laayay oo hilibka iyo caanaha meel kala dhigo la waayay, waxana lagu soo gunaanaday ciyaar dhaqameed odayaashu si fiican u yaqaanaan oo jaanta la isla helay, kadibna waxa duca isla taagay Sheekh Cismaan Dacwah, oo ugaaska iyo ummadii goobta isugu timidba u duceeyay.

Runtii masoo koobi karo Shucuurka iyo farxadda meesha taallay waxanad uga bogan kartaa inaad dhageysato barnaamijka isla markaana aad daawato sawirradan Hoose.

Halkan Ka Dhageyso Barnaamij Idaacadda Andalus ay ka diyaarisay.

Hoos ka daawo Sawirada xafladda.

caleemo saar1caleemo saar2caleemo saar3caleemo saar4caleemo saar8caleemo saar9caleemo saar10caleemo saar11caleemo saar12caleemo saar13caleemo saar14caleemo saar15caleemo saar16caleemo saar17caleemo saar19caleemo saar20caleemo saar21caleemo saar22caleemo saar23caleemo saar24caleemo saar25caleemo saar26caleemo saar27caleemo saar28caleemo saar30caleemo saar31caleemo saar32caleemo saar33caleemo saar34caleemo saar35caleemo saar36caleemo saar37caleemo saar38caleemo saar39caleemo saar41caleemo saar42caleemo saar43caleemo saar44caleemo saar48caleemo saar77caleemo saar111caleemo saar112caleemo saar113caleemo saar115caleemo saar116sax


Related Items