Daawo Sawirro: Xoogaga Islaamiga Suuriya oo Qarka Usaaran in ay Hareereynta Ka Qaadaan Magaalada Xalab.

Saturday August 06, 2016 - 08:07:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirro: Xoogaga Islaamiga Suuriya oo Qarka Usaaran in ay Hareereynta Ka Qaadaan Magaalada Xalab.

    Wadanka Suuriya waxaa sii xoogeystay dagaallada culus ee ka socda magaalada 2-aad ee ugu weyn wadanka oo ay ku hareeraysanyihiin in kabadan 400,000 oo shacab ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Suuriya waxaa sii xoogeystay dagaallada culus ee ka socda magaalada 2-aad ee ugu weyn wadanka oo ay ku hareeraysanyihiin in kabadan 400,000 oo shacab ah.

Xoogaga Mucaaradka Suuriya ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabeen wajiga 3-aad ee xamlada melleteri "Malxamadda weyn ee Xalab”.

Wararka Suuriya ka imaanaya waxay sheegayaan in shalay gelinkii dambe ay dagaallo culus ka bilaawdeen Kuliyadda Difaaca magaalada Xalab oo ah saldhig weyn oo nidaamku ka maamulo magaalada inteeda kale.

Jabhadda Fatxu Shaam oo kamid ah kooxaha ugu awoodda badan Suuriya ayaa sheegtay in isbahaysiga Jeyshul Fatxi uu dagaal kula wareegay xarumo muhiim ah oo Nidaamka Al-asad leeyahay.


Xoogaga Islaamiga ah ayaa qabsaday qeybo ballaaran oo katirsan Kuliyadda iyagoona dilay boqolaal katirsan ciidamada nidaamka Bashaar Al-asad.

Weerarka Kuliyadda ayaa lagu daah furay laba camaliyaad istish-haadi ah oo ay fuliyeen laba dagaalyahan oo katirsan Jamaacada Fatxu Shaam Ex.Jabhadda Al Nusrah.

Sawirro lagu baahiyay baraha Internetka waxaa kasoo muuqanayay gaadiidka walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo ku qarxaya saldhigyada nidaamka iyo qiic uuro Madoow ah oo cirka isku shareeray.

Sarkaal katirsan Xoogaga Axraaru Shaam ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankoodu ay qabsadeen deeegano muhiim ah oo katirsan xaafadda Al-Raamoos oo wax ka yar 2 KM ujirta halka ay tiigsanayaan xoogaga Mucaaradka si ay hareeraynta uga qaadaan magaalada Xalab.

Kuliyadda difaaca magaalada Xalab ayaa ka kooban dhowr qeyb sida qeybta Keydka hubka, qeybta madaafiicda iyo qeybta Rasaasta waana saldhigga melleteri ee ugu weyn gobolka.

Dhammaan fasaa’isha Islaamiga ah iyo kuwa kale ee ka qeyb qaadanaya howlgalka hareereynta looga qaadayo Magaalada Xalab ayaa ballan qaaday in ay nidaamka Bashaar Al-asad iyo maleeshiyaadka calooshood u shaqeystayaasha Iiraan ay ka xureyn doonaan magaalada Xalab.

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa duqeymo ba’an ka geystay goobta dagaalka balse kuma guuleysan in ay islaamiyiinta ka caabiyaan weerarka ay ku qaadeen saldhigyada Nidaamka.


















Related Items