Vedio+Sawirro: Islaamiyiinta JF Shaam oo Hubkii Ugu Badnaa ka Furtay Ciidanka Dowladda Suuriya.

Tuesday August 09, 2016 - 17:49:44 in Wararka by
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Vedio+Sawirro: Islaamiyiinta JF Shaam oo Hubkii Ugu Badnaa ka Furtay Ciidanka Dowladda Suuriya.

    Xoogaga Islaamiga Jabhadda Fatxu Shaam ayaa ku dhawaaqay xamlo Hor leh oo lagu xureynayo Gebi ahaanba magaalada Xalab ee wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Islaamiga Jabhadda Fatxu Shaam ayaa ku dhawaaqay xamlo Hor leh oo lagu xureynayo Gebi ahaanba magaalada Xalab ee wadanka Suuriya.


War rasmi ah oo kasoo baxay xoogaga kacdoonka Suuriya iyo isbahaysiga Jeyshul Fatxi ayaa lagu sheegay in ay bilaabayaan xamllo ballaaran oo si dhimeystiran ugu qabsanayaan magaalada Xalab ee waqooyiga wadankaasi.

Vedio iyo sawirro lagu baahiyay baraha internetka  waxaa kasoo muuqanayay saanado melleteri iyo gaadiid gaashaaman oo u gacan galay xoogaga islaamiga ah.



Tobaneeyo Taangi iyo bakhaaro Rasaas ah oo Nidaamka Al-asad uu lahaa ayay ghaniimo ahaan uqabsadeen xoogaga JF Shaam oo horay loo oran jiray Jabhadda Al Nusrah.

Hubka ugu badan ayaa Nidaamka Suuriya looga qabsaday Kuliyadda madaafiicda ee kutaal xaafadda Raamuusah, wariyaal ku sugan magaalada Xalab ayaa sheegay in xoogaga Mucaaradka ay kumanaan dagaalyahan oo hor leh ay kusoo daad gureeyeen magaalada waxayna isku diyaarinayaan dagaal kama dambeys ah.

Guul darradii ballaarneed ee maalmo ka hor nidaamka kasoo gaartay dagaalka Malxmadda weyn ee Xalab ayaa la sadaalinayaa in xoogaga Islaamiga ah ay u suurtagelin karto la wareegista magaalada 2-aad ee Suuriya ugu weyn.














Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items