Qowmiyado badan ayuu sheegay in ay is bahaysteen iyagoo kasoo horjeeda dhul boob ay dowladu waddo. Ciidamada qaar ayuu sheegay in ay ku biireen oramada iyo amxaarada taasina ay sii xoojisay kacdoonka.
isku soo baxayaasha ayuu sheegay in horay looga jaray internetka balse haatan ay heleen internet dowlada ka madax banaan.
dowlada dhaxdeeda ayaa isku maandhaaftay waxa laga yeelayo kacdoonka socda.
R/wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamanka ayaa jeediyay hadallo is burinaya oo ku aadan kacdoonka xooggan ee wadanka Itoobiya ka socda.
Xildhibaanno ayaa la xiray gudoomiyaha baarlamankana dacwad ayaa lagu soo oogay.
Jimcaha soo socda ayaa lagu balansanyahay in ay dhacaan dibad baxyo xooggan iyadoo la saadaalinayo in ay foodda is dari doonaan kacdoon wadayaasha iyo ciidamada xukuumadda Tigreega.
Halkan Ka Dhagayso Waraysiga Cabdullaahi Cali Hiirad
Cabdullaahi Hiirad "Kacdoonka Itoobiya waxaa Xoojiyay Adeeg Internet oo Ka Madax Banaan Dowladda".
Cabdullaahi Cali Hiirad oo uwaramay idaacada Alfurqaan isagoo ku sugan Dalka Ingariiska ayaa sheegaya in kacdoonka haatan socda uu ka duwanyahay kuwa horay ugadhacay dalkaasi.