DHGEYSO : Soomaalida Minnesota Oo ka hor yimid Musharaxa Donald Trump.

Saturday August 20, 2016 - 18:29:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    DHGEYSO : Soomaalida Minnesota Oo ka hor yimid Musharaxa Donald Trump.

    Soomaalida ku nool magaalda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka ayaa ka hor yimid booqashada uu Musharaxa Xizbiga Jamhuuriga ee Donald Trump uu qorsheynayo inuu ku tago gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalida ku nool magaalda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka ayaa ka hor yimid booqashada uu Musharaxa Xizbiga Jamhuuriga ee Donald Trump uu qorsheynayo inuu ku tago gobolkaasi.

Qaar ka tirsan Soomaalida ku nool Mareykanka oo la hadlay Warbaahinta waxay sheegeen in Donald Trump uu yahay Nin Cunsuri oo Cadaawad fog u qaba dadka Muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan Soomaalida ku nool Minnesota, waxayna ku baaqeen in laga hor yimaado ol-olaha doorashooyinka ee uu halkaas ka billaabi doono.

Musharaxa Xizbiga Jamhuuriga wuxuu doonayaa in Gobolka Minnesota uu ka billaabo ol-ole uu ku uruurinayo dhaqaale xooggan, si uu ugu adeegsado doorashoooyink dhici doona bisha November ee nagu soo foolka leh.



Donald Trump oo u tartamaya Xizbiga Jamhuuriga ee Mareykanka wuxuu dhowr jeer weerar kulul oo xagga Afka ah ku qaaday Muslimiinta ku nool Wadanka Mareykanka, isagoona sheegay in haddii uu qabto talada dalka inuu Muslimiinta ka hor istaagayo inay si fudud kusoo galaan dalkaasi.


Dhinaca kalena Mas’uul u hadlay Hey’adda u dooda Xuquuqda Muslimiinta ee Wadanka Mareykanka ayaa sheegay inay bulshada Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota inaysan la dhacsaneyn booqashada Donald Trump, wuxuuna tilmaamay in Saacadaha soo socda ay qaban doonaan Shir jaraa’id oo ay arrimahaasi kaga hadlayaan.

 Halkan Ka Dhageyso Wareysiga

Related Items