Dibadbaxyo lagu taageerayo Kacdoonka Itoobiya oo Ka Dhacay Waddamo ka tirsan Yurub iyo Mareykanka. (Dhageyso)

Sunday August 21, 2016 - 07:48:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibadbaxyo lagu taageerayo Kacdoonka Itoobiya oo Ka Dhacay Waddamo ka tirsan Yurub iyo Mareykanka. (Dhageyso)

    Dibadbaxyo ballaaran oo ay kasoo qeyb galeen Boqollaal dibad baxayaal ah, islamarkaana lagu taageerayo kacdoonka ka soconaya Dalka Itoobiya ee looga soo horjeedo Xukuumadda Tikreega ayaa ka dhacay Waddamo ka tirsan Caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibadbaxyo ballaaran oo ay kasoo qeyb galeen Boqollaal dibad baxayaal ah, islamarkaana lagu taageerayo kacdoonka ka soconaya Dalka Itoobiya ee looga soo horjeedo Xukuumadda Tikreega ayaa ka dhacay Waddamo ka tirsan Caalamka.

Waddamada ay dibad baxyadu ka dhaceen waxaa ka mid ah Mareykanka, Kanada, Sweden, iyo Switzerland, waxaana dadweynuhu ay wateen boorar ay ku taageerayaan Kacdoonkaasi, waxay sidoo kale dibad baxayaashu ay cambaareeyeen Gumaadka ay Xukuumaddu ku tigreega ku heysa Qowmadiyaha Itoobiya

Dhinaca kalena Boqollaal Soomaali ah ayaa waxay iyaguna dhankooda dibad baxyo waaweyn ka dhigeen Wadanka South Afrika halkaas oo ay dagan yihiin Jaaliyad fara badan oo Soomaali ah, waxaana dadweynaha isku soo baxay ay taageero u muujiyeen kacdoonada ka soconaya Wadanka Itoobiya, halka sidoo kale ay cambaareeyeen booqashadii dhawaan uu Xasan Sheekh ku tagay magaalada Jig-jiga ee dhulka ay xoogga ku heysato Xabashida.



Halkan Ka Dhageyso Codadka Dibadbaxayaasha

 

Related Items