DHAGEYSO : Sheekh Cali dheere oo ka hadlay Weerarradii ugu dambeeyay ee Ka Dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho.

Monday August 22, 2016 - 20:36:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO : Sheekh Cali dheere oo ka hadlay Weerarradii ugu dambeeyay ee Ka Dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho.

    Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage "Sheekh Cali dheere" ayaa ka hadlay Weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaas oo lagu qaaday Xarun uu maamulka Puntland ku lee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage "Sheekh Cali dheere" ayaa ka hadlay Weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaas oo lagu qaaday Xarun uu maamulka Puntland ku leeyahay magaaladaasi.


Ugu horreyn Sheekh Cali dheere waxa uu sheegay in weerarradii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay fuliyeen rag dagaalyahanooda ka tirsanaa inay ku dhinteen ugu yaraan 30 Askari oo ka tiranaa Maamulka Puntland ayna ku dhaawacmeen tiro Kontameeyo ka badan.


Sheekh Cali dheere waxa uu ka hadlay sababta ay mar walba weerarrada ula beegsadan Maamulka Puntland, isagoona sheegay in Maamulkaas uu gacan saar la leeyahay Dowladda Itoobiya, islamarkaana ay fuliyaan danaha iyo Masaalixda Xabashida.



Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin wuxuu farriin u diray Shacabka ku nool deegaanada Waqooyi bari ee uu ka taliyo Maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in iyagu aysan duullaan ku aheyn Shacabka halkaas ku nool, balse ay dagaal kula jiraan oo kaliya Maamulka uu hoggaamiyo Cabdi Weli Gaas ee wada shaqeynta la leh Itoobiya iyo dowladaha reer galbeedka.


Dhinaca kalena Sheekh Cali dheere waxa uu soo hadal qaaday weerarkii Madaafiicda ahaa ee shalay lagu qaaday Xarunta Wasaaradda gaadiidka Dowladda Fedraalka ee magaaldada Muqdisho, wuxuuna sheegay in weerarkaas uu qeyb ka yahay howl-gallada joogtada ah ee Ciidamada Xarakada Alshabaab ay ka wadaan magaalada Muqdisho.


Halkan Ka Dhageyso Wareysiga MP3


Isha Maqalka : Radio Alfurqaan

Related Items