Laba Sanadood oo Kasoo Wareegtay Dilkii Sh.Abuu Zubeyr, iyo Hal Sano oo Kasoo Wareegtay Dagaalkii Degmada Janaale WARBIXIN.

Thursday September 01, 2016 - 13:30:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Laba Sanadood oo Kasoo Wareegtay Dilkii Sh.Abuu Zubeyr, iyo Hal Sano oo Kasoo Wareegtay Dagaalkii Degmada Janaale WARBIXIN.

    Labada sanadood oo kaamil ah ayaa kasoo wareegtay markii dowladda Mareykanka ay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr amiirkii hore ee Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirka Sheekh Abuu Zubeyr Amiirkii Hore ee Xarakada Al Shabab
Labada sanadood oo kaamil ah ayaa kasoo wareegtay markii dowladda Mareykanka ay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr amiirkii hore ee Xarakada Al Shabaab.

1,September 2014 ayaa duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku dileen Sheekh Abuu Zubeyr oo Hoggaaminayay Xarakada Al Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

6 Maalmood kadib istish-haadkii Sheekh Abuu Zubeyr ayay golaha shuuradaha xarakada waxay amiirka cusub ee xarakada u magacaabeen Sheekh Abuu Cubeyda Halkan ka akhri magacaabista amiirka cusub PDF


Dowladda Mareykanka iyo hoggaamiyaasha maamullada dabadhilifyada Soomaalida ayaa u dabaal degay dilka Sheekh Abuu Zubeyr iyagoo u arkayay mid wiiqaysay awoodda xarakada balse taasi ma dhicin oo xarrakada ayaa sii xoogaysatay.

Howlgalladii ugu xooganaa Abid oo ay la kulmaan ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeydda ayaa markii uu hoggaanka u qabtay xarakada wuxuu agaasimay howlgallo lagu dilay ku dhawaad 400 oo askari kuwaasi oo sababay in ciidamada shisheeye ay isaga baxaan magaalooyin iyo deegaanno hor leh.

Weerarada lagu naafeeyay ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka dhacay kadib istish-haadkii Sh.Abuu Zubeyr ayaa kala ah:-

1-Weerarkii Leego oo dhacay bishii June 2015 waxaa lagu dilay in kabadan 70 Askari oo katirsan ciidanka Burundi.
2-Weerarkii deegaanka Jameeco oo dhacay bishii June 2015 waxaa lagu dilay 60 Askari Itoobiyaan ah.
3-Weerarkii Ceel Cadde oo dhacay bishii Janaayo 2016 waxaa lagu dil 180 Askari Kenyaan ah
4-Weerarkii Janaale oo dhacay Bishii September 2015 waxaa lagu dilay 55 Askari Yugaandheys ah.

Sidoo kale ciidamada Al Shabaab ayaa duullaan melleteri oo wax badan ka bedelay hanaanka dagaalka Soomaaliya ka fuliyay deegaanno ay kamid yihiin Garasweyne,Halgan iyo deegaanno kale oo katirsan dalka Soomaaliya.

Khasaarihii ugu xooganaa ayaa soo duulayaasha AMISOM kasoo gaaray dagaalka Soomaaliya tan iyo markii uu shahiiday Sheekh Abuu Zubeyr taasi oo farriin cad u ah shisheeyaha dalka kusoo duulay.

Dhinaca kale maanta oo kale 1,9,2014 waxay ku beegantahay sanadkii koowaad oo kasoo wareegay dagaalkii degmada Janaale oo ugu dambeyntii ciidamada AMISOM ku qasbay in ay dib uga gurtaan dhul ballaaran oo sh/Hoose katirsan.

Khubaro melleteri oo Reer galbeed ah ayaa sheegay in dilka Sh.Abuu Zubeyr uusan waxba ka bedelin dagaalka Soomaaliya islamarkaana Al Shabaab ay awoodeeda xoojisay iyadoo taageero ka helaysa qabaa’illada Soomaalida ee ku dhaqan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kuwaasi oo ku qancay amniga iyo kala dambeynta ay soo rogeen maamullada islaamiga ah ee xarakada hoos taga.

Dardar gelinta weerarada naf-hurnimo ee lagusoo afjarayo saldhigyada ciidamada AMISOM waxay sababeen in ciidamada ka socda Ururka Midowga Afrika ay ka gabaan kaalintii duullaanka ayna ku aruuraan difaac taasi oo fursad usiisay ciidanka Xarakada in ay wiiqaan maleeshiyaadka Dowladda Federaalka oo markii hore carratuur u ahaa shisheeyaha.

Markii ay fadhiid noqdeen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya,Burundi iyo Uganda ayay Mareykanku door bideen adeegsiga calooshood u shaqeystayaal caddaan ah oo Bangaraaf loo yaqaan kuwaasi oo iyagoo adeegsanayay diyaarado dagaal marmarka qaar weeraro deegaano dhaca gobollada Jubbooyinka iyo shabeellaha Hoose balse weeraradaasi wax weyn kumasoo kordhin saaxaadka dagaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items