Daawo: Xoogag Katirsan Jihaadiyiinta Suuriya oo Markii ugu horreysay Duqeyn U Adeegsaday diyaarad duuliye la'aan ah "Drone".

Saturday September 03, 2016 - 21:04:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Daawo: Xoogag Katirsan Jihaadiyiinta Suuriya oo Markii ugu horreysay Duqeyn U Adeegsaday diyaarad duuliye la'aan ah "Drone".

    Jamaacada Jundul Aqsa ee ka tirsan Jamaacaatka Jihaadiga ee ka dagaallama dalka Suuriya ayaa markii ugu horreysay soo bandhigtay Vedio Muuqaal ah oo muujinaya duqeyn loo adeegsaday diyaarad duuliye la'aan ah oo ay ku garaaceen fariisimo ay leeyi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamaacada Jundul Aqsa ee ka tirsan Jamaacaatka Jihaadiga ee ka dagaallama dalka Suuriya ayaa markii ugu horreysay soo bandhigtay Vedio Muuqaal ah oo muujinaya duqeyn loo adeegsaday diyaarad duuliye la'aan ah oo ay ku garaaceen fariisimo ay leeyihiin Ciidamada Bashaar Al-Asad oo kuyaalla baadiyaha Waqooyi ee gobolka Xamaah.



Muuqaalka ay soo bandhigtay Jundul Aqsaa waxaa laga dhex arkayaa laba gantaal oo yar yar oo ay tuurtay diyaarad duuliye la’aan ah, waxaana gantaalaha ay ku dhacayaan Saldhig ay Ciidamada Nidaamka Nuseyriga ah ku leeyihiin degmada Macardas ee Gobolka Xamaah.



Inkastoo labada gantaal ee ay tuurtay diyaaradda duuliye la’aanta ah aysan xaqiijin hadafkooda ayaa haddana dadka wax indha indheeya waxay sheegayaan in horumarkan nowciga ah uu isbadal ku keeni karo dagaallada culus ee muddada todobaadka ah ka sonaya deegaanno ka tirsan Gobolka Xamaah ee bartamaha dalka Suuriya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in suuragal ay tahay in Jamaacada Jundul Aqsa ay diyaaradda duuliye la’aanta ah inay ka heshay Xerada loo yaqaano Katiibada Ruushka ee ku taalla degmada Macardas, halkaas oo Mujahidiintu ay la wareegeen laba maalmood ka hor.

Dhinaca kalena Xoogagga Kacdoon wadayaasha Suuriya ayaa dhulka soo dhigay diyaarad Helicopter ah oo ay lahaayeen Ciidamada Bashaar Al-Asad, waxaana diyaaraddaas lagu soo riday degmada lagu magacaabo Khadaab ee Gobolka Xamaah.

Kooxda lagu magacaabo Jeyshul Cizzah ayaa sheegatay mas’uuliyadda soo riditaanka diyaaradda, iyadoona Bayaan ay kooxdaas soo saartay ay ku sheegtay in diyaaradda lagu soo riday Saaruukh Taaw ah, xilli ay ku duuleysay jawi hoose galabnimadii maalintii Jimcaha ee shalay.

 Jamaacada Jundul Aqsa iyo kooxo kale oo ka tirsan Kacdoon wadayaasha Suuriya ayaa horraantii todobaadkii hore waxay ku dhawaaqeen guluf ballaaran ooa ay ku xoreynayaan qeybo ka tirsan baadiyaha Waqooyi ee Gobolka Xamaah, waxaana illaa iyo hadda ay la wareegeen magaalooyin iyo deegaanno dhowr ah oo gobolkaas ka tirsan.

Hoos Ka Daawo Video-ga ay soo saartay Jundul aqsaa ama
riix halkan MP4


Related Items