Dhageyso: 85 Askari oo isku Dhiibtay Maamullada Islaamiga Galguduud iyo Al Shabaab oo Xaqiijisay.

Monday September 05, 2016 - 20:13:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: 85 Askari oo isku Dhiibtay Maamullada Islaamiga Galguduud iyo Al Shabaab oo Xaqiijisay.

    Ku Dhawaad 100 Askari oo katirsanaa DF-ka ayaa isku dhiibay Maamullada Islaamiga Galguduud ee taabacsan Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku Dhawaad 100 Askari oo katirsanaa DF-ka ayaa isku dhiibay Maamullada Islaamiga Galguduud ee taabacsan Xarakada Al Shabaab.

Wararka ka imaanaya bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in 85 Askari ay ka baxsadeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Budbud ee gobolka Galguduud.

Ciidamadan oo Xabashida Itoobiya ay ku tababartay degmada Ceelbuur ayaa iyagoo hubkooda wata isku dhiibay Xarakada SHM sida uu xaqiijiyay Sheekh Xasan Yacquub Cali Waaliga wilaayada Islaamiga Galguduud.

Yacquub oo wareysi siiyay Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa ku dhawaaqay in maamullada Islaamiga ah ay cafis u fidiyeen dhammaan maleeshiyaadka safka amxaarada kasoo goostay islamarkaana iyagoo amni heysta ay ehelkooda la noolyihiin.


Xarakada Al Shabaab waxay ugacan haatisay maleeshiyaadka Soomaalida ee ku haray safka  Amxaarada in ay isisoo dhiibaan inta Itoobiyaanku aysan isaga bixin deegaankaasi.

Waa tiradii ugu badneed ee ka goosata ciidamada gumeysiga Itoobiya ee duullaanka ku jooga degmada Ceelbuur iyo deegaanka Budbud.

Halkan ka degso Wareysiga Sheekh Xasan Yacquub Cali MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items