Sawirro+Codad: Beesha Garre oo Ugaas Cusub Caleema saaratay iyo Mas'uuliyiin Ka Qeyb galay.

Friday September 09, 2016 - 19:45:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Sawirro+Codad: Beesha Garre oo Ugaas Cusub Caleema saaratay iyo Mas'uuliyiin Ka Qeyb galay.

    Kadib Munaasabad ballaaran oo ka dhacday degmada Tooratoorow ee wilaayada islaamiga Sh/hoose oo ay kasoo qeyb galeen mas'uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu doortay Ugaas cusub oo ay yeelatay Beesha Garre oo kamid ah beelaha So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib Munaasabad ballaaran oo ka dhacday degmada Tooratoorow ee wilaayada islaamiga Sh/hoose oo ay kasoo qeyb galeen mas'uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu doortay Ugaas cusub oo ay yeelatay Beesha Garre oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed.


Munaasabadda oo aheyd mid si heer sare ah loosoo abaabulay waxaa lagusoo bandhigay ciyaar dhaqameeyo iyo fantasyo waxaana halkaasi kalimado Baraarujin ah ka jeediyay culimaa’udiin katirsan ducaadda wilaayaatka islaamiga ah.

Ugaaska cusub ee Beesha Garre ayaa loo Caleema saaray Ugaas Cabdullaahi Xaaji Axmed Max’med Cabdulle oo ku magac dheer(Bulaaylle).



Waxgaradka Beesha Garre ee munaasabadda ku sugnaa waxay sheegeen in beesha oo degta gobollo kala duwan oo Soomaaliya katirsan ay u dhantahay Ugaaska cusub ayna la shaqeyn doonaan. Mas’uuliyiin katirsan Xarakada Al Shabaab oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa Beesha Garre ugu Hambalyeeyay Ugaaska Cusub oo ay yeelatay waxanay Alle uga baryeen in uu la garab galo xilka culus ee loo igmaday.

Sheekh Muxamed Abuu Usaama waaliga sh/hoose oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii lagu dooranayay Ugaaska Beesha Garre ayaa sheegay in wilaayadu ay la shaqeyn doonto Ugaaska cusub isagoona ugu baaqay in uu shareecada islaamka ku maamulo beesha uu Hormuudka u yahay. Abuu Usaama ayaa Ugaas Cabdullaahi Xaaju guddoonsiiyay qoriga AK47 ah iyo booshkiisa iyadoona wilaayadu ballan qaaday in Ugaaska Beesha Garre ay siin doonto gaari nuuca raaxada ah.

Sheekh Fu’aad Max’med Khalaf oo kamid ah mas’uuliyiinta Xarakada Al Shabaab oo isna ku sugnaa munaasabadda ayaa bogaadiyay Beesha Garre ee Ugaaska cusub dooratay wuxuuna carrabka ku dhuftay in kaalinta qabaa’iiladu ku leeyihiin Jihaadka Soomaaliya ka socda ay tahay mid muuqata.

Munaasabadda Caleema Saarka Ugaaska beesha Garre waxaa ka qeyb galay salaadiin ka socotay in ka badan 8 beel oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed kuwaasi oo dhammaantood bogaadiyay Ugaaska Cusub.

Beesha Garre waxay kamid tahay beelaha Soomaaliyeed ee ku diirsaday ku dhaqanka shareecada Islaamka ee wilaayat-ka Islaamiga ah ka hirgalay waxayna beeshu ballan qaaday in ay sare u qaadi doonto kaalinta ay ku leedahay dagaalka lagula jiro ciidamada shisheeye ee Soomaaliya kusoo duulay.

Halkan ka dhageyso Kalimadda Ugaaska Beesha Garre MP3
Halkan ka dhageyso Kalimadda Waaliga Sh/Hoose MP3
Halkan ka dhegayso Kalimadda Sh.Fu'aad MP3

Hoos daawo sawirrada

caleemo-saar-beesha-garre2caleemo-saar-beesha-garre3caleemo-saar-beesha-garre4caleemo-saar-beesha-garre5caleemo-saar-beesha-garre6caleemo-saar-beesha-garre7caleemo-saar-beesha-garre8caleemo-saar-beesha-garre9caleemo-saar-beesha-garre10caleemo-saar-beesha-garre11caleemo-saar-beesha-garre12caleemo-saar-beesha-garre13caleemo-saar-beesha-garre14caleemo-saar-beesha-garre15caleemo-saar-beesha-garre16caleemo-saar-beesha-garre17caleemo-saar-beesha-garre18caleemo-saar-beesha-garre19caleemo-saar-beesha-garre20caleemo-saar-beesha-garre21

 


Related Items