Ruushka iyo Mareykanka oo Ku Heshiiyay la Dagaalanka Jamaacaadka Jihaadiga Dalka Suuriya.

Sunday September 11, 2016 - 09:22:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka iyo Mareykanka oo Ku Heshiiyay la Dagaalanka Jamaacaadka Jihaadiga Dalka Suuriya.

    Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka ayaa ku dhawaaqay in heshiis buuxa ay ka gaareen arrimaha dagaalka wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka ayaa ku dhawaaqay in heshiis buuxa ay ka gaareen arrimaha dagaalka wadanka Suuriya.

Wasiirrada arrimaha dibadda labada wadanka ayaa sheegay in ay isku afgarteen xabad joojin ka dhaqan gasha dhammaan gobollada Suuriya oo ay isku hor fadhiyaan kooxaha mucaaradka dhax dhaxaadka ah iyo ciidanka Nidaamka Bashaar Al-asad.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa kamid ah in dhammaan dhinacyadu ay joojiyaan xabadda wixii ka dambeeyay 12 septmebr 2016 islamarkaana diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo kuwa nidaamka Bashaar Al-asad aysan duqeyn Karin magaalooyinka mucaaradka dhax dhaxaadka ah maamulo.


Mareykanka iyo Ruushka waxay isku raaceen in la dhiso xarun gaar ah oo dardar gelisay dagaalka lagula jiro kooxo ay ugu jeereen Argagaxiso kuwaasi oo kala ah 1.Jabhadda Fatxu Shaam 2- dowladda Islaamiga ah.

Labadan kooxood ayaa ku tiimbaraysan liiska waxa loogu yeero Argagaxisada, reergalbeedka ayaa isku raacay in Jamaacaadka Jihaadiga ah si adag loola dagaallamo balse kooxaha calmaaniyiinta ee sheegta in ay kacdoonka suuriya qeyb ka yihiin waxay helayaan fursad ugu dambeyntiina nidaamka Bashaar ayay wadahadal kula geli doonaan.

Dowladda Turkiga iyo waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa dhammaantood si diirran usoo dhoweeyay heshiiska Ruushka iyo Mareykanka ee arrimaha Suuriya waxayna ku tilmaameen mid wax badan ka tari doona ammaanka mandiqadda Bariga dhexe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items