Obama oo Sheegay in lacago Magdhow Ah Siinayaan qoyska uu kasoo Jeedo Maxbuus Talyaani ah oo Drone Lagu Dilay.

Saturday September 17, 2016 - 21:16:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Obama oo Sheegay in lacago Magdhow Ah Siinayaan qoyska uu kasoo Jeedo Maxbuus Talyaani ah oo Drone Lagu Dilay.

    Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in magdhow lacageed ay siineyso Qoyska uu kasoo jeedo Muwaadin u dhashay dalka Taliyaaniga oo diyaaradaha duuliye la'aanta ee Mareykanku ay ku duqeeyeen dalka Pakistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in magdhow lacageed ay siineyso Qoyska uu kasoo jeedo Muwaadin u dhashay dalka Taliyaaniga oo diyaaradaha duuliye la'aanta ee Mareykanku ay ku duqeeyeen dalka Pakistan.


Xukuumadda Washintong ayaa ogolaatay in magdhow lacageed oo dhan 1.1 Milyan oo Doollar inay siiso Qoyska uu kasoo jeedo Nin u dhasay dalka Taliyaaniga oo diyaaradaha duuliye la’aanta ee Mareykanka ay horraantii Sannadkii 2015 ku dileen dalka Pakistan.

Ninka Maxbuuska ah ee duqeyntaas lagu dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jiyuufaani Loborto, waxaana gacanta ku hayay Mujaahidiinta Al-Qaacidda, iyadoona lagu dilay duqeyn ka dhacday Gobolka Waziristaan ee u dhaxeeya xadka ay wadaagaan dalalka Afghanistan iyo Pakistan.



War kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku ay ogolaadeen inay bixiyaan magdhow lacageed oo la siinayo Qoyskii uu kasoo jeedo Muwaadinkaas u dhashay dalka Taliyaaniga, kaas oo Xoogaga Al-Qaacidda ay gacanta ku dhigeen bartamihii Sannadkii 2012.

Sidoo kale waxaa isla duqeyntaas ku dhintay Muwaadin u dhashay dalka Mareykanka oo 73 jir ahaa, kaas oo lagu magacaabi jiray Waran Witsean.

Hogaamiyaha dalka Mareykanka Barack Obama oo ka hadlay duqeyntii lagu dilay labadaas Maxbuus ayaa qiray in diyaaradaha duuliye la’aanta ee Mareykanka ay bartilmaa-meedsadeen guri ay ku sugnaayeen dagaal-yahanno ka tirsan Mujaahidiinta Al-Qaacidda oo sidoo kale ay ku xirnaayeen labada Maxbuus ee u kala dhashay Waddamada Taliyaaniga iyo Mareykanka.

Mujaahidiinta Al-Qaacidda ayaa horey u faah faahiyay qaabka uu u dhacay howl-galka lagu dilay labada Maxbuus, waxaana Bayaan ay soo saareen ay ku sheegeen in labada Maxbuus ee reer galbeedka ahaa ee gacantooda ku jiray ay qaateen diinta Islaamka, iyagoona ku eedeeyay Mareykanka inay siula kac ah u beegsadeen.

Wargeyska The Guardian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in magdhowgan lacageed ee Dowladda Mareykanka ay siineyso Qoyska uu kasoo jeedo Muwaadinka Taliyaaniga ah ee lagu dilay dalka Pakistan inay noqoneyso tii ugu horreysay ee ay siiyaan dadka ku dhinta weerarrada ay geystaan diyaaradaha duuliye la’aanta.

Tobonkii sano ee lasoo dhaafay Kumanaan ruux oo Muslimiin ah oo rayid ah oo ku nool Waddamada Afghanistan, Pakistan iyo Yemen ayaa ku dhintay duqeymaha ay geystaan diyaaradaha duuliye la’aanta ee Mareykanka, iyadoona aysan jirin wax magdhow ah oo Dowladda Daalimadda ah ee Mareykanka ay siisay ehellada iyo qaraabada dadkaasi, iska dhaaf magdhow la siiyee waxay diyaaradaha duuliye la’aanta ay har iyo habeen sii wadaan duqeymaha Wuxuushinimada ah ee ay u geysanayaan Muslimiinta ku nool dalalkaasi.

Related Items