Qarax Dad Badan Ku Dhaawacmeen Oo Ka Dhacay Magaalada New York Dalka Mareykanka.

Sunday September 18, 2016 - 09:00:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Dad Badan Ku Dhaawacmeen Oo Ka Dhacay Magaalada New York Dalka Mareykanka.

    Ugu Yaraan 29 qof ayaa ku dhaawacantay qarax xooggan oo xalay ka dhacay magaalada New York oo kamid ah magaalooyinka ugu weyn wadanka Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu Yaraan 29 qof ayaa ku dhaawacantay qarax xooggan oo xalay ka dhacay magaalada New York oo kamid ah magaalooyinka ugu weyn wadanka Mareykanka.

Booliska ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay xaafadda Manhatan oo ay kuyaallaan inta badan xarumaha caalamiga ah sida xarunta UN-ka iyo dhammaan dhismayaasha maamulka magaalada New York.

Duqa magaalada qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in waxa dhacay ay ahaayeen weerar ukas ah taasi oo muujinaysa in qaraxa ay fuliyeen rag hubeysan.

29-ka qof ee dhaawacmay mid kamida ayaa xaaladdiisa caafimaad laga dayrinayaa, dhaqaatiirta ayaa sheegay in dhaawacyadu ay yihiin kuwa meel dhaxaad ah.


Gaadiidka caafimaadka Amabalaaska ayaa ku cararay goobta wax ka dhaceen, FBI-da mareykanka ayaa sheegtay in ay waddo baaritaanno xooggan oo ay ku ogaanayso cidda qaraxa fulisay.

Dowladda Mareykanka ayaa hoggaanka u haysa duullaan islaam la dirirka ah oo lagu qaaday dadka muslimiinta caalamka, bishii September sanaddii 2001-da ayay aheyd markii ay dhaceen weeraradii New York iyo Washington ee lagu hoobtay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items