Mareykanka oo Duqeyn Ka Dhacday Bariga Suuriya Ku Dilay 60 Askari oo Katirsan Nidaamka Al-Asad.

Sunday September 18, 2016 - 11:34:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Duqeyn Ka Dhacday Bariga Suuriya Ku Dilay 60 Askari oo Katirsan Nidaamka Al-Asad.

    Tobaneeyo katirsan ciidamada Nidaamka Bishaar Al-asad ayaa lagu dilay duqeymo aan ula kac aheyn oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobaneeyo katirsan ciidamada Nidaamka Bishaar Al-asad ayaa lagu dilay duqeymo aan ula kac aheyn oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen wadanka Suuriya.

Wararka ka imaanaya gobolka Dayruzuur ee Bariga Suuriya dhaca ayaa sheegaya in ugu yaraan 60 askari oo katirsan ciidanka xukuumadda lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha isbahaysiga Mareykanku hoggaaminayo ay ka fuliyeen saldhig melleteri.

Afhayeen u hadlay isbahaysiga USA ay hoggaaminayso ayaa qiray in ciidankooda cirka ay laayeen Askar Suuriyaan ah oo xilligaasi dagaal adag kula jiray xoogag hubeysan.


Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in tani ay dhaawacayso heshiiskii xabad joojinta ahaa ee Mareykanka iyo Ruushka ay isbuucii lasoo dhaafay wada gaareen.

Nidaamka Suuriya ayaa isna xaqiijiyay in duqeyntu ay gallaaftay nolosha tobaneeyo askari islamarkaana ay burburiso gaadiid gaashaaman iyo hub.

Waa khasaarihii ugu badnaa ee ciidamada Nidaamka Nuseyriga kasoo gaara duqeymo ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyaan gudaha wadankaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items