Faah Faahin:Weerarkii Lagu Dilay Jeneraal Goobaanle iyo Saameynta Uu Ku Yeelan Karo Melleteriga Dowladda Federaalka.

Sunday September 18, 2016 - 17:07:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Weerarkii Lagu Dilay Jeneraal Goobaanle iyo Saameynta Uu Ku Yeelan Karo Melleteriga Dowladda Federaalka.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar istish-haadi ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo lagu dilay Mas'uul sare oo katirsan dowladda Federaalka ee la shaqeysa shisheeyaha soomaaliya kusoo duulay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar istish-haadi ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo lagu dilay Mas'uul sare oo katirsan dowladda Federaalka ee la shaqeysa shisheeyaha soomaaliya kusoo duulay.

Weerarka oo dhacay maanta duhurkii waxaa lala beegsaday Jeneraal Max'med Rooble Jimcaale oo Goobaale ku magac dheeraa, sarkaalka ladilay ayaa ahaa Taliyaha guutada 3-aad ee melleteriga dowladda Federaalka.

Goobaale ayaa ahaa dagaal ooge caan ka ahaa Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya xilligii Hoggaamiye kooxeedyadu dalka maamulayeen.

Jeneraal Goobaale ayaa sanaddii 2001 illaa 2006 ahaa guddoomiye ku xigeenka isbahaysigii Dooxada Jubba ee Barre Hiiraale madaxda ka ahaa kaasi oo maamulayay magaalada Kismaayo iyo inta badan gobollada Jubbooyinka.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaal ooge Max’med Rooble Jimcaale lala dilay 7 askari oo kamid ahaa ilaaladiisa gaarka ah.

Gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu ka xaynayay Naftiis hure ayaa gaariga Goobaale ku dhuftay gaari lagu raray maadada TNT-da ee qaraxda.

Sarkaal u hadlay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankoodu ay ku guuleysteen khaarijinta Goobaale oo uu ku sifeeyay "Murtad” dhibaata ku hayay shacabka Soomaaliyeed.
http://a.top4top.net/p_261wwrd1.jpg
Jeneraal Goobaale ayaa galaangal melleteri ku lahaa deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka shabeellaha Hoose oo maleeshiyaadkiisu ay ciidamada shisheeyaha AMISOM ku wehliyaan duullaanka lagu qaaday gobolkaasi.

Dilka Goobale ayaa la filayaa in uu saameyn ballaaran ku dhax yeesho melleteriga dowladda Federaalka gaar ahaan gobolka Sh/Hoose oo ciidankiisu ay dal aqoon u ahaayeen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.

Si kastaba ha ahaatee Gobaale wuxuu kamid ahaa hoggaamiye kooxeedyada fara kutiriska ah ee iyagoo hubeysan ku lug leh siyaasadda Soomaaliya.

Liibaan  Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items