Daawo : Hogaamiyaha Jabhadda Fatxu Shaam oo Wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Telefeshinka Aljazeera.

Sunday September 18, 2016 - 13:35:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo : Hogaamiyaha Jabhadda Fatxu Shaam oo Wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Telefeshinka Aljazeera.

    Hogaamiyaha Jabhadda Fatxu Shaam Sheekh Abuu Muxamed Al-Jowlaani ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay telefeshinka Afka Carabka ku hadla ee Aljazeera, isagoona ka hadlay marxaladda xasaasiga ah uu marayo Jihaadka ka soconaya dhulka Shaam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Jabhadda Fatxu Shaam Sheekh Abuu Muxamed Al-Jowlaani ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay telefeshinka Afka Carabka ku hadla ee Aljazeera, isagoona ka hadlay marxaladda xasaasiga ah uu marayo Jihaadka ka soconaya dhulka Shaam.

Sheekh Abuu Muxamed Al-Jowlaani waxa uu wareysigiisa diiradda ku saaray sida ay lagama maar maanka u tahay inay isku biiraan dhammaan Jamacaatka ka dagaallama dalka Suuriya, ayna noqdaan hal awood oo si mideysan ula dagaallanta Nidaamka Nuseyriga ah iyo Maleeshiyaadka Shiicada ee garabka siinaya.

"Isku biiridda Jamaacaatka waa Mabda’ Sharci ah, Caqliga Saliimka ahna waxa uu ku talinayaa in la isku biiro oo la midoobo, iskaashigii Meliteri ee ay sameeyeen qaar ka tirsan Kooxaha Saaxada ka dagaallama waxa uu soo bandhigay guul waaweyn oo wax ku ool ah, haddii ay isku biiraan Kooxaha dagaallamaya, waxay awoodooda dhowr jeer ku laba laabmeysaa Nidaamka Nuseyriga ah” ayuu yiri Sheekh Abuu Muxamed Al-Jowlaani.


Sheekhu waxa uu sheegay in dagaalka ay kaga jiraan Saaxada Shaam inay kaga hortagayaan khatarta Mashuuca raafidada ee Mareykanku uu taageerayo, kaasi oo soo qabsaday dalka Ciraaq iyo qeybo ka tirsan Wadanka Yemen, islamarkaana haddii aan laga hortagi karin uu musuqablka dhow kusii fido doono Bariga dhulka Shaam iyo Waddamada kuyaalla bariga Jaziiradda Carabta.

Mar uu soo hadal qaaday qaabka uu noqonayo Isbaheysiga la doonayo inay kuwada biiraan dhammaan Jamaacaatka Suuriya ka dagaallama ayaa Sheekh Abuu Muxamed Al-Jowlaani waxa uu tilmaamay in hadafkoodu uu yahay inay dhisaan Kayaan ay leeyihiin dadka Ahlu Sunnaha ah oo awoodooda kulminaya, difaacaya xuquuqdooda, wuxuuna ka digay in la khilaafka iyo kala tagga.

Hogaamiyaha Mujaahidiinta Jabhadda Fatxu Shaam waxa soo hadal qaaday kaalinta ay waxa loogu yeero Qaramada Midoobey iyo Mareykanka ku leeyihiin dalka Suuriya, wuxuuna sheegay in ahdaaftooda ay waafaqsan yihiin falal dembiyadeeda isugu jira leynta iyo barakicinta ee uu ku kacayo Nidaamka Bashaar Al-Asad.

Sheekhu waxa uu ku eedeeyay waxa loogu yeero Qaramada Midoobey inay mas’uul ka aheyd qorshihii Muslimiinta Ahlu Sunnaha ah looga barakciyay magaalada Ximis, wuxuuna sheegay in qorshahaasi uu fuliyay Ninka lagu magacaabo Lakhdar Al-Ibraahiimi oo ahaa ergeygii waxa loogu yeero Qaramada Midoobey u qaabilsnaa dalka Suuriya.

"Ergeyga cusub ee lagu magacaabo Stiven Dimustura isna waxa uu ku socda wadadihii uu maray ergeygii ka horreeyay, waxa uu u yimid inuu Shacabka Xalab ka dhaa-dhiciyo inay magaaladooda ku wareejiyaan Maamulka Bashaar Al-Asad, laakiin markii uu ku fashilmay qorshihii ayaa waxa uu Nidaamka kula heshiiyay in la ga’doomiyo magaalada” ayuu hadalkiisa kusii daray Sheekh Abuu Muxamed Al-Jowlaani.

Sidoo kale Sheekhu waxa uu ka hadlay duqeyntii maalmo ka hor lagu dilay Hogaamiyihii guud ee Isbaheysiga Jeyshul Fatxi Sheekh Abuu Cumar Saraaqib, isagoona tilmaamay in tallaabtaasi aysan marnaba niyad jebin doonin Mujaahidiinta ku mideysan Isbaheysigaasi.

Dhinaca kalena Hogaamiyaha Mujaahidiinta Jabhadda Fatxu Shaam ee horey loo oran jiray Jabhatu Nusrah waxa uu Kooxaha kala duwan ee ka dagaallamaya dalka Suuriya uga mahad celiyay sida ay u diideen in si gooni ah loo takooro Jabhadda Fatxu Shaam, wuxuuna wacad ku maray in Mujaahidiinta Suuriya ay sii wadi doonaan ol-olaha ay ku doonayaan sidii ay markale go’doonka uga qaadi lahaayeen magaalada Xalab.



Xigasho:AmiirNuur Media

Related Items