Abuu Muscab "Alle Ayaan Uga Mahad Celinaynaa Umadda Ka Hor leexiyay Shartii Goobaale"

Sunday September 18, 2016 - 20:24:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Abuu Muscab "Alle Ayaan Uga Mahad Celinaynaa Umadda Ka Hor leexiyay Shartii Goobaale"

    Taliska Ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa Faah Faahin dheeri ah ka bixiyay weerarkii qaraxa ahaa ee lagu dilay Jeneraal Goobaale oo ahaa Taliyihii guutada Sedaxaad ee ciidanka melleteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa Faah Faahin dheeri ah ka bixiyay weerarkii qaraxa ahaa ee lagu dilay Jeneraal Goobaale oo ahaa Taliyihii guutada Sedaxaad ee ciidanka melleteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sheekh  C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Al Shabaab ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Alfurqaan wuxuu ku faah faahiyay qaabkii uu u dhacay weerarkii lagu dilay Goobaale iyo khatarta uu sarkaalkaasi ku hayay shacabka Soomaalida.

Wuxuu tilmaamay in Goobaale muhiim u ahaa dowladda Federaalka ah oo aanayna heli doonin nin bedelkiisa u gala amaba booskiisi u buuxiya.



"Goobaale wuxu ahaa nin u hagar baxsanaa la dagaalanka mujaahidiinta” sidaas waxaa yiri sheekh C/Caziiz Abuu Muscab oo intaa raaciyay in Ciidankoodu  juhdi badan ku bixiyeen sidii Goobaale loo dili lahaa aakhirkiina qorshahaasi uu  maanta u suura galay.

Sidoo Kale Abuu Muscab ayaa soo hadal qaaday dagaal laba maalin ka hor ka dhacay degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo oo kaabiga ku heysa xadbeenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Wuxuu sheegay in weerarkii gaadmada ahaa ee ciidamada XSHM ay ku qabsadeen degmada Ceel-Waaq uu ahaa mid qorshaysan oo ay dharbaaxo kulul ku gaarsiiyeen maleeshiyaad Kenya soo tababartay oo loo diyaarinayay in lagula dagaallamo wilaayaadka Islaamiga Gedo.

Halkan ka degso Wareysiga Sh.Abuu Muscab MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

somalimemo@gmail.com

Related Items