Col. Cabdullaahi Sabriye Cabdulle iyo Cabdi Safaari oo Muqdisho Lagu Dilay Saacado Kadib Markii la Khaarijiyay Jeneraal Goobaale.

Monday September 19, 2016 - 09:50:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Col. Cabdullaahi Sabriye Cabdulle iyo Cabdi Safaari oo Muqdisho Lagu Dilay Saacado Kadib Markii la Khaarijiyay Jeneraal Goobaale.

    Dilal qorshaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho lagula beegsaday askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxa lagu Dilay Goobaale ayaa saameyn ballaaran reebay
Dilal qorshaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho lagula beegsaday askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saacado kadib markii qarax lagu dilay Jeneraal Goobaale ayay xoogag hubeysan toogasho ku dileen mid kamida saraakiisha ciidanka melleteriga.

Xalay Fiidkii ayay rag bastoolado ku hubeysan waxay xaafadda Taleex ku dileen Col.Cabdullaahi Sabriye Cabdulle oo galaangal ku dhax lahaa ciidamada Melleteriga islamarkaana ahaa dagaal geliye.

Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas’uulka dilka sida lagu sheegay war rasmi ah oo lagu baahiyay warbaahinta Afka xarrakada ku hadasha.


Sidoo kale xoogag hubeysan ayaa degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dilay Fanaan katirsanaa wasaaradda Warfaafinta DF-ka, dilalka qorshaysan ee dib ugasoo cusboonaaday Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya balanqaadkii horay ugasoo baxay maamulka Villa Somalia ee ahaa in ay adkeynayaan amniga caasimadda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items