Heesaha Music-ga iyo Qoobka Ciyaarka Waa Cibaado Alle loogu Dhawaado Sidaas Waxaa Aaminsan Kooxda Baadilka Al-Qur'aaniya Dhageyso.

Wednesday September 21, 2016 - 20:03:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 2
  • Share via Social Media

    Heesaha Music-ga iyo Qoobka Ciyaarka Waa Cibaado Alle loogu Dhawaado Sidaas Waxaa Aaminsan Kooxda Baadilka Al-Qur'aaniya Dhageyso.

    Duullaanka lagu qaaday dadka Muslimiinta caalamka ma ahan oo kaliya midka melleteriga ee dhulalkooda lagu qabsanayo ee waxaa barbar socda duullaan halis ah oo tash-wiish lagu gelinayo diinta islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duullaanka lagu qaaday dadka Muslimiinta caalamka ma ahan oo kaliya midka melleteriga ee dhulalkooda lagu qabsanayo ee waxaa barbar socda duullaan halis ah oo tash-wiish lagu gelinayo diinta islaamka.

Dowladaha reergalbeedka ayaa xarumo iyo masaajid u dhisay kooxo ahlu baadil ah oo iska dhigaya in ay yihiin culimo faafinaysa dacwada islaamka!.

Muslimiintu waxay wajahayaan marxad halis ah oo ay ka badbaadayaan oo kaliya kuwa sida dhabta ah ugu dhega xariga alle.

Waxaa soo baxay kooxo sheegayana in ay yihiin mujaahidiin kuwaas oo suurad xumeynaya Jihaadka iyagoo lasoo baxay falal ay dadka kaga didinayaan diinta islaamka sida dilalka Wuxuushnimada ah gaar ahaan iyagoo  gowracaya dadka muslimiinta sida xoolihii oo kale kana soo laalaadinaya Kawaanada Hilibka Arrintaas oo aan sal ku lahayn shareecada suuban ee islaamka.


Tashwiishinta diinta islaamka intaasi kuma eka oo kuwa ayaa habeen iyo maalin isku dayaya in ay bidco cusub muslimiinta ku fitneeyaan.

Sanaddii 2012 kooxaha sheegta Ahlusuna Waljamaaca ayaa magaalada Dhuusamareeb u asteeyay in ay lamid tahay kacbada iyagoona soomaalida ugu baaqay in Xajka u aadaan dhuusamareeb arrinkaasi oo dad badan ka yaabiyay.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa bulshada soomaalida kasoo dhax muuqday kuwa isku sheegaya in ay yihiin "Qur’aaniyiin” xaqqa umadda u sheegaya balse xaqiiqda ah ahlu baadil.

Nin lagu magacaabo Cali Raage ayaa warbaahinta ka sheegay in heesaha,Music-ga iyo qoobka ciyaarka ay yihiin cibaado alle loogu dhawaanayo!.

Ninkan khaa’inka ah ayaa lasoo baxay dhaqan cusub waxaase wax lala yaaba ah in uu sheegto ahlul qur'aan, Ninkan wuxuu beeniyay dhammaan axaadiithta Nabi Mux’med SCW sidaas ayuuna xeerada islaamka uga baxay isaga iyo kooxdiisa  sida ay culimaa’udiinka caalamka islaamka sheegeen.

Dariiqadan qur’aaniyiinta asalkooda waxay kasoo baxeen wadamo dhaca qaaradda Asia waxayna xarun weyn ku leeyihiin wadanka Ingiriiska.

Waa koox inkirtay dhammaan sunada Nabi Muxamed SCW  allaa ayaa qur’aankiisa ku yiri ۚ وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانتَهُوا ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۖ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ

Hadaba sheikh Cali Katiin iyo culimaa’udiin kale ayaa ka hadlay xukunka ay leeyihiin kooxdan ahlu bidaca ah iyagoona uga digay shacabka soomaaliyeed.

Halkan ka dhegeyso culimo ka hadashay waxa ay yihiin kooxda Qur'aaniya MP3

Isha Maqalka: Radio Alfurqaan

Related Items