Shirkadda YAHOO oo Ku Dhawaaqday in la Jabsaday Emaillada Boqolaal Milyan oo Kamid Ah Macaamiisheeda.

Sunday September 25, 2016 - 06:16:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda YAHOO oo Ku Dhawaaqday in la Jabsaday Emaillada Boqolaal Milyan oo Kamid Ah Macaamiisheeda.

    Shirkadda ganacsiga YAHOO ayaa ku dhawaaqday in kooxo kamid ah burcadda Internetka ay jabsadeen malaayiin kamid ah Emaillada Macaamiisheeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda ganacsiga YAHOO ayaa ku dhawaaqday in kooxo kamid ah burcadda Internetka ay jabsadeen malaayiin kamid ah Emaillada Macaamiisheeda.



War rasmi ah oo kasoo baxay shirkaddan oo fadhigeedu yahay wadanka Mareykanka ayay ku sheegtay in kooxo burcad ah oo xiriir laleh sirdoonka Mareykanka ay u dhaceen in kabadan 500 oo milyuun Emaillo ah oo ay isticmaalayeen macaamiisheeda ku nool daafaha adduunka.

Madaxa fulinta shirkadda YAHOO ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in falkan xatooyada ah uu dhacay sanaddii 2014 balse hadda ay u sheegeen macaamiishooda.



YAHOO waxay ugu baaqday dhammaan macaamiisheeda in si dedeg ah ay u bedelaan Passoword-ada Emailadooda si ay uga feejignaadaan khataro kale oo halis ah.

Macaamiisha shirkadda YAHOO ayaa caro ka muujiyay sababta shirkaddu ay muddo laba sanadood ah uga qarisay in Emailladooda lajabsaday.

Kooxaba Burcadda Internetka ee hay’adda ammaanka qaranka Mareykanka la shaqeysa ayaa la rumeysanyahay in Emailada ay ka baareen macluumaad dhanka sirdoonka ah.

Lama sheegin in Burcaddu ay waxyeeleen emailadi qaar oo akoono Banki ku xirnaa, waa xatooyadii ugu weyn ee dhanka Emailada ee caalamka ka dhacda taariikhda inta la ogyahay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items