Dhageyso+Akhriso Gabayga Dhows Iyo Abwaan C/llaahi Somali.

Tuesday September 27, 2016 - 08:58:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso+Akhriso Gabayga Dhows Iyo Abwaan C/llaahi Somali.

    Abwaanka Somaliyeed ahna Wariyaha Islaamiga ah ee Cabdullaahi Yaasiin Jaamac Somali ayaa tiriyay Gabay cusub oo la magacbaxay Dhows oo ah gabay uu abwaanka kaga hadlay Xasan Garguurte Maxaweynaha dowlada federaalka kaasi oo dhawaan dhulka Somali Galb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaanka Somaliyeed ahna Wariyaha Islaamiga ah ee Cabdullaahi Yaasiin Jaamac Somali ayaa tiriyay Gabay cusub oo la magacbaxay Dhows oo ah gabay uu abwaanka kaga hadlay Xasan Garguurte Maxaweynaha dowlada federaalka kaasi oo dhawaan dhulka Somali Galbeed ku wareejiyay dowlada Kufriga Xabashida Itoobiya.


Halkan Ka Dhageyso Gabayga Dhows.


Hoos Ka Akhriso Gabayga Oo Qoraal Ah.


Maansada dhudunkeeda waa dhigi aqaanaaye,


Waa hibo igu dheehanoo la iga dhowraaye,
Aan dhagaatiguu xiro in ay dheelisaa daran’e.

Ula booco ruux ugu dhutiya inuu ku dhuun gooyo,
Dhankaaga fursadduu ka helo waanow dhumineyne,
Ujeedkana hadaan soo dhiftee dhab uga faaleeyo,
Dhirtoo bixi dharqa iyo caleen leysku wada dheehay
Xeraadoo dhubub iyo god iyo meel dhabbe ah taalla,
Dhiinjar ubaxa dhoorey shimbara dhawaq rahoo yeera,
Geeloo dhalay dhakal xoor ku taal dhoqosyadoo buuxa,
Awrka dhibadu saameysayoo dhirimbiyoo guuxa,
Arigoo dhamaantii cayilay subaga oo dhooban,
Dhamcasiyo galleydoo baxee dhigaalka oo yaalla,
Dhufaan xuukihiisi iyo dheegga iyo beerka,
Dhalinyariyo waayeel dadkoo dhaay qur qurinaaya,
Barwaaqadaa waxaa iga dhabjiyay igana dhooqeeyay,
oo abaar I dhowriiriyoo dhaahin iga soonshay,
Gumeysi igu dhirirsan een dhinacna ii deyne.

Dhibka iyo rafaadkaan wax badan aan dhan ula jiifay,
Dhafoorkeya diifaha ku yaal ee i dhalan doorshay,
Waxa dhabaneydaa sidii dhuxul madoobeeyay,
Sida geel dhukaan qaba waxaa dhogor xun yeelay,
Faceygoo dhexduu weyn waxaa dhuubne iga yeelay,
Oo dheray inaan buuxsadoo dherega ii diiday,
Gumeysi igu dhirirsan een dhinacna ii deyne.

Inbtaasi xaqiiqada dhabiyo dhumucda weeyaane,
Murti aan dharaandhiriyiyo dhamalo weeyaane,
Dhambaal kalena aan raaciyoon laga dhamaneynin.

Saliibigaan dhulkeygii degee dhaamay sharafteydi,
Markastoon ka dhiidhiyo amaan aad dhabanaansho,
Dhememiyo xildoon kuwa ahaa dhaadka ii gala’e,
Dhawaqooda waa necebiyo dhaayo aragoode,
Dhalyay ila wadaagaan kufrina ways dhex galayaane,
Sida ay isugu dhafmeen waan la dheygagaye,
Abeesiyo dhasheedii iyo waa dhig iyo loole,
Sida dhirindhir weeyaan iyo dhaah ka soo duxa’e,
Shisheeyaha ninkii dhuux u shubay amase dhiigsiiyay,
Inuu dhaqanka diineed ka tegay oo dhalan guuray,
Midki dhiifle waa garanayaa oon dhabcaal noqone,
Dhuunkaal siinayaa iyo rasaas lagu dhalaalshaaba,
Waa in dhuubka loo daro wuxuu dhimasho gaaraaye.

Inbtaasi xaqiiqada dhabiyo dhumucda weeyaane,
Murti aan dharaandhiriyiyo dhamalo weeyaane,
Dhambaal kalena aan raaciyoon laga dhamaneynin.

Dhaxalkii awoowii nin raga dhiibi malahayne,
Cadawgana intuu dhiil u culo uma dhiteeyeene,
Dhulkiisana ma siiyeen iyo dhaqayadiisiiye,
Habliisa dheemanana muu ugu dhawaadeene
Iska dhurana muu oran laheyn wixii dhaqaalaaye,
Ha yeeshee dhameys kaan ahayn dhidiradoow looge,

Dhurwaagii xasan sheekh ahaa wuu na dhaawacaye,
Dhugxumaanta waa lagu yaqiin amase dhoohnaane,
Weligiiba dhows buu ahaa iduhu dhaamaane,
Dhamac lagu ridkaa waa hubow dhiilo galay weyne,
Dherebtii in kaa lagu maroo aanu dhimir haynin,
Oo dhaandhaana uu yahay waxba anan dhowrseynin,
Dhaantada markii loo tumee looga dhagacsiiyay,
Oo gabdhuhu u dheeleen tigree dhaqanka uu seegay,
Dhooluhuu cadeeyo islulay dhaaw in uu qaba’e,
Wayaanuhu wuxuu ii dheh yiri dhooq la soo yiriye,
Nacaskaa dhaguugane bukkaa dhiiqa nagu seyre
Ha yeeshii rag baa dhaarsan oo dharas ka muuqdaaye,
Dhantaalkiiye ceebtuu na baday waa la dhaqayaaye,
Gaalo iyo ninkey dhaansataa lagu dhilaa maare,
Dhoombir iyo dhashiikiyo shilkaa lagu dhufaayaaye,
Dhadhabkiyo dhalenteedka jaan waa la dhiciseyne.

Inbtaasi xaqiiqada dhabiyo dhumucda weeyaane,
Murti aan dharaandhiriyiyo dhamalo weeyaane,
Dhambaal kalena aan raaciyoon laga dhamaneynin.

Aduunyada midkii dhool u qaba aan dhibcaha joojin,
Wirwirkeedu kuu dhagaryiyo dhalalac beenaadku,
Dhacadiid u jiifaha intii dhimatay aan doorin,
Dhuq dhuq iyo qosol badan iyo dhararaq mooyaane,
Dadnimada midkii laga dhuftee lagana dheereeyay,
Dhadigood midkaan gaari hayn iyo dhaalaankooda,
Dhexdiisu midkii ay bugtee weliba dheecaantay,
Muslim dhaajis waa laga tegaa dhoobo quruntaahe,

Dharaartii lugeyniyo habeen dheelmad socanaaba,
Dhaxan seexana iyo harkii dhidid na qooyaaba,
Dhagax lagu cagaagyaa iyo xanan dhex qaadnaaba,
Cidiyuhu dhilqeenaa iyo dheecaan galayaaba,
Dhiidhiitii nagu mariqyayaa amase dhiigtaarba,
Dharkeyn iyo dhay dhay baxay iyo dhuyaca jiirnaaba,
dhilmaayanyadu na dhuuqdaa iyo dhuug na cunayaaba,
Dhedheduba marbay nolol tahoo laguna dhaataaye,
Si aan dhibic biyaa aan u dhelo dharab majuujaaba,

Dhadoobada ontorada iyo dhuundhus xabagtiisa,
Dhafaruur cunaa iyo mareer dhuunta marinaaba,
Hohob dhefsanaa iyo jinaw dhunux la siiyaaba,
Nin jihaad dhabtii doonayaa dhiiran weligiiye,
Dhal dhalaal aduunyiyo ma rabo dhaashi iyo nuure,
Dhakashana ma yeelaayiyo inuu is dhiibaaye,
Sida yurub kuwuu dhoofayay dhuumo laga waaye,

Insha alllaah sidaan dhowrayoo aan ku dhigay maanka,
Dhagax buur warkeed daa iyo dhinacyadii howde,
Adis ababa wow dhaansanaa subaxaan dheereyne,
Kaniisada dhidibkeeda waan kala dhilqaayaaye,
Dhusuqley amxaaradana waa dhabar jebaabaaye,
Dhardhaarada wayaanahana waa kala dhaqaajaaye,
Itoobiya waxay dhaha hayaan waan dhambalayaaye,
Shareecadana waa lagu dhaqaa ay dhibsanayeene.


Waxaa tiriyay cabdulaahi yaasiin jaamac (cabdulaahi-soomaali)


 

 

Related Items