Madaxweynihii hore ee Yahuudda Shimon Peres oo geeriyooday.

Wednesday September 28, 2016 - 12:19:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore ee Yahuudda Shimon Peres oo geeriyooday.

    Madaxweynihii hore ee Yahuudda Shimo Peres ayaa saakay aroortii ku geeriyooday magaalada Talaabiib, isagoo jiray 93 sano.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Yahuudda Shimo Peres ayaa saakay aroortii ku geeriyooday magaalada Talaabiib, isagoo jiray 93 sano.



Shimon Peres ayaa laba todobaad ka hor la dhigay Isbitaalka, kadib markii uu kusoo baxay xanuun dhanka Maskaxda ah. Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in xaaladiisa caafimaad ay kasoo reyneysay maalmihii lasoo dhaafay, hase yeeshee maalintii Talaadada ayaa si lama filaan loogu soo booday.


Dhakhtartkiisa oo lagu magacaabo Rafi Walden, islmarkaana Sodaggiisa ah ayaa sheegay in Shimon Peres uu quur baxay 03:00 aroornimo ee Saakay, iyadooa dhakhtarku uu diiday inuu bixiyo faah faahin dheeraad ah, balse wuxuu tilmaamay inuu qaban dooo shir jaraa’id.



Madaxweynihii hore ee Yahuudda waxa uu horey usoo noqday Ra’iisul wasaare iyo Wasiirka difaaca, wuxuuna noqonayaa ninkii ugu dambeeyay ee ka noolaa siyaasiyiintii Yahuudda ee aas aasay waxa maanta loogu yeero Israa’iil.


Shimon Peres wuxuu mas’uul ka ahaa duullaankii Seddax geeskoodka ahaa ee Sannadkii 1956dii lagu soo qaaday dalka Masar, wuxuu sidoo kale mas;uul ka ahaa xasuuqii Qaanaa ee Sannadkii 1996 ka dhacay Koonfurta Wadanka Lubnaan.

Related Items