Ruushka oo Sheegay in uu Gubi doono Mandiqadda Bariga dhexe Haddii Mareykanka uu Awood Melleteri u adeegsato arrinta Suuriya.

Sunday October 02, 2016 - 21:05:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ruushka oo Sheegay in uu Gubi doono Mandiqadda Bariga dhexe Haddii Mareykanka uu Awood Melleteri u adeegsato arrinta Suuriya.

    Dowladda Ruushka ayaa ku hanjbtay in ay bixin doonto Jawaab gil-gisha guud ahaan Mandiqadda bariga dhexe haddii uu Mareykanku isku dayo inuu awood ku maquuniyo Nidaamka Nuseyriga ee dalka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Ruushka ayaa ku hanjbtay in ay bixin doonto Jawaab gil-gisha guud ahaan Mandiqadda bariga dhexe haddii uu Mareykanku isku dayo inuu awood ku maquuniyo Nidaamka Nuseyriga ee dalka Suuriya.



Dowladda Ruushka ayaa uga digtay Mareykanka Cawaaqib xumida ka dhalan karta waxa ay ku tilmaantay duullaan Meliteri oo ka dhan ah Maamulka dalka Suuriya, kadib markii ay Xukuumadda Washintong sheegtay inay ka fikireyso inay qaado tallaabooyin kale oo dheeraad ah, taas oo looga jawaabayo faragelinta Meliteri ee sii xoogeysaneysa ee Ruushka uu ku hayo dalka Suuriya.



Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka haweeneyda lagu magacabo Maariya Zaakharof ayaa sabtidii sheegtay in duullaan walba oo Meliteri oo si toos ah uu Mareykanku ugu soo qaado Maamulka dalka Suuriya ay keeni karto inay gebi ahaanba gil-gilato Mandiqadda bariga dhexe.

Maariya Zaakharof waxay tilmaantay in isbadal walba oo ku yimaada Maamulka dalka Suuriya inuu keeni karo firaaq siyaasadeed oo sababi kara inay buuxiyaan waxa ay ku tilmaantay Kooxaha Argagixisada. Hadalka kasoo yeeray Haweeneyda Afhayeenka u ah Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka waxa uu ka dambeeyay kadib markii Xukuumadaha Washitong iyo Moscow ay is dhaafsadeen eedeemo kulul oo la xiriira cidda ka dambeysa inay bur burto xabad joojintii labada dhinac ay gaareen bishii lasoo dhaafay, kaasi oo la filayay in laga hirgeliyo magaalada Xalab ee Waqooyiga Suuriya.

Sidoo kale waxay tani imaaneysaa xilli uu Mareykanku ku hanjabay inuu joojin doono wada shaqeyntii uu la lahaa Ruushka ee la xiriirtay Xaaladda Suuriya, iyadoona la hadal hayo in Mareykanku uu qaadayo tallaabooyin kale oo dheeraad ah si uu ula tacaalo Xaaladda Suuriya, xilli ay Dowladda Ruushka iyo Nidaamka Bashaar Al-Asad ay sii kordhiyeen duqeymaha ay ku hayaan Shacabka ku nool magaalada Xalab.

Wargeyska New York Times ayaa maalintii shalay baahiyay cod sir ah oo laga duubay Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka Jhon Kerry, kaas oo ku sheegay in falalka u aaba yeelid la’aanta ee ku dhaqaaqayo Nidaamka Bashaar Al-Asad inay Xukuumadda Washintong ku riixeyso inay qaado tallaabooyin kale, inkastoo Wasiirku uusan si faah faahin ka bixin nooca ay noqon doonaan tallaabooyinkaas dheeraadka ah ee ay qaadayaan.

Dowladaha Ruushka iyo Mareykanka ayaa si weyn isugu maandhaafsan xaaladda cakiran ee dalka Suuriya, iyadoo uu gebi ahaanba bur buray heshiiskii xabad joojinta ee laba geesoodka ahaa ee laba todobaad ka hor ay ku saxiixdeen magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Related Items