Sawirro: Al Shabaab oo Soo Bandhigtay Meydadka Askar Kenyaan ah iyo Gaadiid Booliska Kenya looga Qabsaday Duleedka Gaarisa.

Monday October 03, 2016 - 21:42:55 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: Al Shabaab oo Soo Bandhigtay Meydadka Askar Kenyaan ah iyo Gaadiid Booliska Kenya looga Qabsaday Duleedka Gaarisa.

    Dowladda Kenya ayaa qirtay in khasaara lixaad leh uu kasoo gaaray weerar qorshaysan oo ciidankeeda ku sugan deegaanka Haamey ay la kulmeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa qirtay in khasaara lixaad leh uu kasoo gaaray weerar qorshaysan oo ciidankeeda ku sugan deegaanka Haamey ay la kulmeen.

Xarakada Al Shabaab ayaa iyana dhankeeda soo bandhigtay Meydadka ciidamo Kenyaan ah iyo gaadiid dagaal oo booliska Kenya looga qabsaday weerarkii dhacay bishii September ee lasoo dhaafay.

Fagaara kuyaal magaalada Jilib ee gobolka Jubba dhexe ayaa lagusoo bandhigay laba gaari oo kuwa boolisku isticmaalaan ah iyo meydadka laba askari.

Saraakiil katirsan Xarakada Al Shabaab oo goob fagaara ah kula hadlay shacabkii iskusoo baxay ayaa ku hanjabay in ay sare u qaadi doonaan weerarada ka dhanka ah Kenya islamarkaana ay ammaanka Kenya kajira ka dhigi doonaan mid lamid ah Soomaaliya.


Al Shabaab waxay sheegtay in weerarada lagu dhiig bixinayo melleteriga Kenya ee Soomaaliya kusoo duulay ay barbar socdaan weeraro joogta ah oo ka dhacaya gobollada kala duwan ee wadankaasi.


dsc09407dsc09432dsc09468dsc09579dsc09598dsc09599dsc09601dsc09602dsc09605dsc09609dsc09611dsc09620dsc09627dsc09628dsc09629dsc09633dscf2655dscf2656dscf2657dscf2661


Xigasho: Telegramka-ka Idaacadda Andalus


Related Items