Kaaliyaha Musharax Jibriil Cabdulle oo isku day dil ka Badbaaday Kadib Qarax Lagula Beegsaday Magaalada Muqdisho.

Tuesday October 04, 2016 - 17:40:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaaliyaha Musharax Jibriil Cabdulle oo isku day dil ka Badbaaday Kadib Qarax Lagula Beegsaday Magaalada Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay xaafadda Say Biyaano ee degmada Wadajir magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay xaafadda Say Biyaano ee degmada Wadajir magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka dadweynaha ayaa lala helay gaari nuuca raaxada ah oo uu watay mid kamida saraakiisha la shaqeysa Jibriil Cabdulle oo madax ka ah hay’ad ay maamusho dowladda Mareykanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in walxaha qarxa oo lagu dhajiyay gaariga uu watay mid kamida macallimiinta jaamacadda Plasma ay sababeen qarax xooggan oo burburiyay gaariga gebi ahaantiisba.


Cabdi Wali Baadi Macallin ayaa Jibriil Cabdalle oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimada Dowladda Federaalka u qaabilsanaa abaabulka ololihiisa isagoo bilihii lasoo dhaafay warbaahinta ka xayaysiinayay mashruuca Jibriil Cabdulle oo heysta dhalashada dowladda Mareykanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaawac halis ah uu gaaray sarkaalka la beegsaday wuxuuna qaraxa ku waayay mid kamida lugihiisa.

Taliyaha ammaanka degmada Wadajir oo gaaray goobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan qaabka uu qaraxu u dhacay.

Isbuucan gudihiisa waxaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka dhacay qaraxyo lagu beegsaday saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan DF-ka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items