Sawirro+Codad:Shirkii Golaha Fulinta Nuqabada Beelaha Soomaaliyeed oo Hoggaan Cusub Doortay Fariin Culusna u diray Gumeystaha.

Tuesday October 04, 2016 - 20:20:57 in Wararka by
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Codad:Shirkii Golaha Fulinta Nuqabada Beelaha Soomaaliyeed oo Hoggaan Cusub Doortay Fariin Culusna u diray Gumeystaha.

    Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wilaayaatka Islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa doortay Hoggaan cusub oo dhanka dhaqanka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wilaayaatka Islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa doortay Hoggaan cusub oo dhanka dhaqanka ah.

Munaasabad ballaaran oo odayaasha dhaqanka ay ku dooranayeen hoggaankooda ayaa waxay ka dhacday qeybo ka tirsan Wilaayada Bay Iyo Bakool iyadoo ugu dambeybtii odayaashu ay ku dhawaaqeen guddoomiyahooda iyo golayaashooda fulinta.

Mas'uuliyiin katirsan Xarakada Al Shabaab oo uu kamid ahaa Sheekh Xuseen Cali Fiidoow ayaa kalimado ka Jeediyay munaasabadda waxayna dhaqanka soomaaliyeed ku bogaadiyeen in ay kaalin weyn ka qaadaan difaaca diinka iyo dalka.



Xaruntii munaasabadda ay ka dhaceysay waxaa kalimado ka jeediyay  odayaal dhaqameed xaadiray xaruntii shirka, guddoomiyaha odayaasha dhaqanka ayaa waxaa loo magacaabay Samadoon Sheekh Ibraahim Sheekh Cali Nuur iyadoo afhayeenka odayaasha golaha dhaqanka soomaaliyeed loo magacaabay Nabadoon Ismaaciil Xuseen Haaruun.

Dhinaca kale Waaliga Wilaayada Jubooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdala ayaa Odayaasha kula dardaarmay inay ilaaliyeen midnimadooda oo ay ku toosnaadaan wadada xaqa ah.

iyo in qabyaalada ay ka fogaadaan oo ay ilaaliyaan ammaanada ay umadda u hayaan, Guddoomiyaha golaha fulinta dhaqanka Soomaaliyeed oo hadlayay ayaa sheegay in soomaalidu caan ku tahay gobanimo ayna ka dhiidhinayaan gumeysiga ay Itoobiya iyo xulufadeedu u maleegayaan shacabka soomaaliyeed.


Halkan ka dhageyso Kalimadihii laga Jeediyay Shirka MP3

Halkan ka dhageyso Sh.Abuu Cabdalla oo kalimad Muhiim ah Jeediyay MP3



















Related Items