Ciidamada Badda Yahuudda oo u diyaar garoobay in ay ka hortagaan doonta Zeytuuna Ee Ku Wajahan Xeebaha magaalada Gaza.

Wednesday October 05, 2016 - 16:31:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Badda Yahuudda oo u diyaar garoobay in ay ka hortagaan doonta Zeytuuna Ee Ku Wajahan Xeebaha magaalada Gaza.

    Ciidamada Badda ee Dowladda Yahuudda ayaa isu diyaarinaya inay ka hortagaan oo ay la wareegaan doonta lagu magacaabo "Zeytuuna" taas oo sii wadda safarka ay ku dooneyso inay ku gaarto Jiidda Gaza, si loo qaado go'doonka tobon sano jirs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Badda ee Dowladda Yahuudda ayaa isu diyaarinaya inay ka hortagaan oo ay la wareegaan doonta lagu magacaabo "Zeytuuna" taas oo sii wadda safarka ay ku dooneyso inay ku gaarto Jiidda Gaza, si loo qaado go'doonka tobon sano jirsaday ee Yahuuddu ay kusoo gaareen magaalada Gaza.


Ilo wareedyo ku dhow dhow Hey’adaha Amniga ee Gumeysiga Sahyuuniyadda ayaa sheegay in Ciidamada badda ee Yahuudda amar lagu siiyayay inay ka hortagaan doonta "Zeytuuna” ee la socdaan haween samafayaal ah oo kasoo jeeda waddamo kala duwan, kuwaas oo doonaya in Shinxado gar gaar ah ay gaarsiiyaan Jiidda Gaza ee dhulka Filastiin.

War kasoo baxay Guddiga Caalamiga ah ee jebinta go’doonka saaran Jiidda Gaza ayaa waxay ku sheegeen in doonta Zeytuuna ee ay la socdeen 13 haween samafayaal ah in Masaafo dhan laba maalmood gudahood ay ku gaari dooto Xeebaha dhulka Filastiin.



Guddigu waxay sheegeen in la filayo in doonta ay gaarto Xeebaha Magaalada Gaza galabnimada maanta oo Arabco ah ama Subaxnimada maalinta berri ee Khamiista haddii aysan is hortaagin Ciidamada Badda ee Yahuudda.

Wariyeyaasha ku sugan magaalada Al-Qudus ayaa ku warramaya in Ciidamada badda ee Sahyuuniyadda ay marka hore isku dayi doonaan in doonida sidda Shixnadda gar-gaarka ah ay u diidaan inay usoo dhawaato Xeebaha Gaza, haddii ay taas ka dhega adeegtana inay xoog adeegsan doonaan, islamarkaana ay doonta ku khasbi doonaan inay u jiheysto dhanka dekedda magaalada Usduud, halkaas oo la geyno haweenka doonta la socda, kadibna loo musaafurin doono Waddamadii ay ka yimaadeen.

Maamulka Gumeysiga Yahuudda ee xoogga ku heysta dhulka Filastiin ayaan ogoleyn in gar-gaar la gaarsiiyo dadka Muslimiinta ee tobonka sano ku dhow ku go’doon magaalada Gaza, iyadoo Sannadkii 2010-kii ay Ciidamada badda ee Sahyuuniddu is hortaageen Markab ay la socdeen Samfayaal u dhashay dalka Turkiga, kuwaas oo doonayay inay jebiyaan go'doonka saaran Jiidda Gaza, balse Ciidamada Yahuudda ayaa xoog ku galay gudaha Markabka, iyagoona dilay qaar ka tirsan Muwaadiniinta Turkiga ee Markabkaasi la socday, taas oo sababtay inuu xumaado xiriirkii u dhaxeeyay Turkiga iyo Yahuudda, inkastoo labadii dhinac ay horraantii sanadkan dib usoo ceshteen xiriirkii dhanka diblumaasiyadda ee ka dhaxeeyay.

Related Items