Dowladda Turkiga oo shaqada ka joojisay 12 kun oo ka tirsan Ciidamada Booliiska

Thursday October 06, 2016 - 08:39:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Turkiga oo shaqada ka joojisay 12 kun oo ka tirsan Ciidamada Booliiska

    Maamulayaasha dalka Turkiga waxay sheegeen inay shaqadii ka ceyriyeen ku dhawaad 12 kun oo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Booliiska, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la lahaayeen Hogaamiyaha Mucaaradka ee lagu magacaabo Fatxullaah Golan ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulayaasha dalka Turkiga waxay sheegeen inay shaqadii ka ceyriyeen ku dhawaad 12 kun oo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Booliiska, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la lahaayeen Hogaamiyaha Mucaaradka ee lagu magacaabo Fatxullaah Golan ee ku eedeysan inuu soo maleegay Afgembigii fashilmay ee bishii July ka dhacay dalkaasi.


Taliska Booliiska ee Wadanka Turkiga waxay sheegeen in dadka la xiray ay ku jiraan 2523 Saraakiil ah, waxaana Dowladdu ay sheegtay in Askarta iyo Saraakiisha la qabtay Maxkamad lasoo taagi doono, iyadoo lagu soo oogayo khiyaano qaran.

Telefeshika lagu magacaabo "CNN Tukeyā€¯ ayaa sheegay in tallaabta ay qaadeen hoggaanka Booliiska ee shaqada looga joojiyay Kumanaanka Ciidamada ah ay ka dambeysay kadib baaritaan dheer oo ay sameysay Wasaaradda qaabilsan arrimaha gudaha.



Wixii ka dambeeyay afembigii fashilmay ee bishii July ka dhacay dalka Turkiga, waxay maamulayaasha dalkaasi xireen oo ay shaqada ka joojiyeen tobonaan kun oo isugu jira Garsoorayaal iyo Shaqaale ka shaqeynayay howlaha Madaniga, Meliteriga iyo arrimaha bulshada, waxaana illaa iyo hadda xabsiyada ku jira ku dhawaad 32 kun oo ruux, kuwaas oo loo heysto inay ku lug lahaayeen Afgembigaasi.

Xukuumadda Ankara ayaa illaa iyo hadda waxay Dowladda Mareykanka ka dalbaneysaa inay usoo gacan geliso Hogaamiyaha Mucaaradka ee lagu magacaabo Fatxullaah Golan, kaas oo tan iyo Sannadkii 1999 ku nool gobolka Penselvenia ee dalka Mareykanka.

Dhinaca kalena Saraakiisha dalka Turkiga ayaa Seddax bilood oo dheeraad ah waxay ku dareen Xaaladda deg degga ah ee dalkaasi saaran, taas oo ka billaabaneysa 19ka bishan October, iyadoona xaaladdaas deg degga ah lasoo rogay markii uu fashilmay Inqilaabkii ay sameeyeen Saraakiisha sar sare ee Meliteriga.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items