Sawirro: Kumanaan Ruux ayaa laga daad gureeyay gobollo kuyaalla Dalka Mareykanka, xilli la filayo inay ku dhuftaan duufaanno xooggan.

Thursday October 06, 2016 - 16:08:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Kumanaan Ruux ayaa laga daad gureeyay gobollo kuyaalla Dalka Mareykanka, xilli la filayo inay ku dhuftaan duufaanno xooggan.

    Maamulayaasha dalka Mareykanka ayaa amar ku siiyay boqollaal kun oo ruux oo ku nool deegaanno ka tirsan gobollada Florida iyo South Carolina inay ka baxaan guryahooda, iyadoo la filayo in gelinka dambe ee maanta oo Khamiis inay halkaas ku dhufato duu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulayaasha dalka Mareykanka ayaa amar ku siiyay boqollaal kun oo ruux oo ku nool deegaanno ka tirsan gobollada Florida iyo South Carolina inay ka baxaan guryahooda, iyadoo la filayo in gelinka dambe ee maanta oo Khamiis inay halkaas ku dhufato duufaanta loogu magac daray maathiyuu.


Wararku waxay sheegayaan inay isku xirmeen Waddooyinka waaweyn ee magaalada Charleston ee gobolka South Carolina, waxaana waddooyinka buux dhaafiyay Kumanaan qoysas ah oo gawaari saaran, kuwaas oo naftooda kala baxsanaya duufaanta laga cabsi qabo in saacadaha soo socda ay deegaannadaas ku dhufato.



Duufaanta Maathiyuu waxay ku wajahantay gobollada dhaca Xeebta bari ee dalka Mareykanka, iyadoona la sheegayo in awoodda ay ku socoto duufaanta ay sii xoogeysaneyso marba marka ka dambeysa, waxayna saacaddii jareysaa qiyaas dhan 185 Km.

Hogaamiyaha Mareykanka Barack Obama ayaa Muwaadiniintiisa uga digay duufaanta, isagoo sheegay inay noqon doonto mid aad u xooggan, wuxuuna tilmaamay in duufaantu ay saameyn xooggan ku reebi doonto gobollada Florida, South Carolina iyo California.

Duufaanta Matthew waxay maalintii shalay ay cagta soo marisay gobollo ka tirsan wadanka Haiti, waxayna sababtay bur burka boqollaal guryo ah, waxaana ku barakacay Kumanaan ruux, halka sidoo kale duufaantu ay sababtay dhimashada ugu yaraan laba ruux.

Saacado kadib waxay duufaantu soo gaartay Wadanka Kuba, iyadoo ku dhufatay magaalada lagu magacaabo Baaraako, waxayna sababtay inay bur buraan tobonaan dhismayaal ah, sidoo kalena ay xirmaan Jidadkii ay gawaaridu mari lahaayeen.

Duufaantan waxaa lagu sheegay inay tahay tii ugu xooganeyd ee ku dhufata gobollo kuyaalla Xeebaha bari ee dalka Mareykanka tan iyo Sannadii 2005-tii markaas oo ay halkaa ku dhufatay duufaantii Welma, taas oo sababtay khasaare lacageed oo ka badan 23 Bilyan oo Doollarka Mareykanka ah.






Related Items