20 Askari oo lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Galbeedka Wadanka Niger.

Sunday October 09, 2016 - 10:03:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    20 Askari oo lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Galbeedka Wadanka Niger.

    Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda daba dhilifka ee Niger ayaa xaqiijiyay in 20 Askari oo ka tirsanaa Ciidankooda inay ku dhinteen weerar qorsheysan oo ka dhacay meel ku dhow xero ay ku ku jiraan dad qaxooti ah oo kasoo barakacay dalka Maali oo ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda daba dhilifka ee Niger ayaa xaqiijiyay in 20 Askari oo ka tirsanaa Ciidankooda inay ku dhinteen weerar qorsheysan oo ka dhacay meel ku dhow xero ay ku ku jiraan dad qaxooti ah oo kasoo barakacay dalka Maali oo ku taalla deegaan dhaca galbeedka Wadankaasi.

Ra’iisul wasaaraha Dowladda Niger Bariigi Raafiini ayaa u sheegay Telefeshinka ku hadla Afka Xukuumadda in weerarka uu ka dhacay deegaanka Taahwaa oo qiyaastii 525 km Waqooyi bari kaga beegan magaalada Niyaami ee Caasimadda Wadanka Niger.

Mas’uul Maxalli ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee AP ee laga leeyhay dalka Mareykanka in Xoogag si aad ah u hubeysan inay soo weerareen Saldhig Meliteri oo kuyaalla Xero ay ku jiraan dad barakacayaal ah.



Xerada Qaxootiga waxaa ku nool barakacayaal kasoo cararay duullaankii Shareeco la dirirka ahaa ee Sannadkii 2012-kii ay Ciidamada Saliibiyiinta ee Faransiiska iyo xulafadooda Afrikaanta daba dhilifyada ah ay ku qaadeen Waqooyiga dalka Maali, halkaas oo ay ka dhisneyd Imaaro islaami ah oo tadbiiqineysay Shareecada islaamka.

Ciidamada Dowladda Faransiiska iyo Askarta dhowr dowladood oo Afrikaan ah oo ay ka mid tahay Dowladda Niger ayaa qaaday duullaankaasi, waxayna xoogagga Mujaahidiinta ka saareen magaalooyin dhowr ah oo kuyaalla Waqooyiga dalka Maali, balse Mujaahidiinta ayaa billaabay dagaallo Jabhadeyn ah oo ay ku naafeynayaan Cadowga soo duulayaasha ah.

Dowladda daba dhilifka ee Niger waxay sidoo kale boqollaal Ciidamo ah u dirtay Wadanka ay deriska yihiin ee Nigeria, halkaas oo ay kula dagaallamayaan waxa ay ugu yeertay Kooxaha Argagixsada, hase yeeshee Xukuumadda Niyaami ayaa khasaare lixaad leh kala kulantay duullaanka ay qaaday, iyadoo hadda qorsheyneysa inay Ciidankeeda dalkaas kala baxdo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items