Suuriya: JF Shaam iyo Jamaacada Jundul Aqsaa oo Midnimo Buuxa Gaaray.

Monday October 10, 2016 - 10:03:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuriya: JF Shaam iyo Jamaacada Jundul Aqsaa oo Midnimo Buuxa Gaaray.

    Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in liiska waxa loogu yeero Argagaxisada ay ku dartay Jamaacada Jundul aqsaa oo markii dambe ku biirtay Xoogaga Jihaadiga Fatxu Shaam ee Suuriya ka dagaallama.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in liiska waxa loogu yeero Argagaxisada ay ku dartay Jamaacada Jundul aqsaa oo markii dambe ku biirtay Xoogaga Jihaadiga Fatxu Shaam ee Suuriya ka dagaallama.

War kasoo baxay wasaaradda Keydka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Junduql Aqsaa  lagu tiimbareeyay liiska waxa Argagaxisa loogu yeero sababa la xiriira isago u dagaallamaya in sharciga islaamka laysku maamula islamarkaana aan aqoonsaneyn ‘Sharciyadda caalamiga ah’ ee Q.Midoobe dajisay.

Dhinaca kale bayaan kasoo baxay Jabhadda Fatxu Shaam ayay ku sheegtay in Junduql Aqsaa ay si rasmi ah ugu biirtay Sufuufta JF Shaam.


Bayaan kasoo baxay Jabhadda oo uu ku saxiixnaa Sheekh Max’med Al Jowlaani ayaa lagu sheegay in hoggaanka Jabhadda uu aqbalay Beyco uga timid mas’uuliyiinta iyo ciidanka Junduql aqsaa.

Xussaam Al Shaafici Afhayeenka Jabhadda Fatxu shaam ayaa sheegay in ay aqbaleen Beycada Jundul aqsaa si ay u joojiyaan dhiigga ka dhax daadalanaya xoogaga Islaamiga ah oo maalmihii lasoo dhaafay ku dagaallamayay gobollada Idlib iyo Xammaah.

JF Shaam waxay sheegtay in shuruudaha Beycada ay kamid ahaayeen in Jundul aqsaa ay ku shaqeyso dhammaan siyaasadaha Jabhadda islamarkaana ay soo wareejiso dadka ku eedaysan in ay dileen saraakiil katirsan kooxda Axraaru Shaam islamarkaana wixii khilaafka dhaliyay lagu xalliyo maxkamad sharci ah.

Labada Jamaaco ayaa la sheegaa in ay yihiin garabyada Al Qaacidda ee wadanka Suuriya waxayna awood buuxda ku leeyihiin Suuriya gaar ahaan Waqooyiga iyo Bartamaha wadankaasi.

Midnimada ay gaareen Fatxu Shaam Ex.Al Nusrah iyo Junduqul aqsaa ayaa sii xoojinaysa awoodda jamaacaadka Jihaadiga ah ee ka halgamaya Mandiqadda Shaam.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items