Weerar Sawaariikh ah oo lagu qaaday Markab dagaal oo ay leedahay Dowladda Mareykanka Xilli uu ku sugan Xeebaha dalka Yemen.

Monday October 10, 2016 - 17:03:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Sawaariikh ah oo lagu qaaday Markab dagaal oo ay leedahay Dowladda Mareykanka Xilli uu ku sugan Xeebaha dalka Yemen.

    Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in saakay waabarigii weerar Sawaariikh ah lagu qaaday Markab dagaal oo ay leedahay Dowladda Saliibiyada ee Mareykanka, kaas oo ku sugnaa Xeebaha dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in saakay waabarigii weerar Sawaariikh ah lagu qaaday Markab dagaal oo ay leedahay Dowladda Saliibiyada ee Mareykanka, kaas oo ku sugnaa Xeebaha dalkaasi.



Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka Jeff Davis ayaa sheegay in waabarigii saakay in laba garneel lagu soo tuuray Markab nooca dagaalka ah oo ku sugnaa biyaha Caalamiga ah, isagoona tilmaamay in gantaalaha ay qarxeen ka hor inta aysan soo gaarin Markabka.

"Ma jiro wax dhibaato ah oo soo gaaray Markabka dagaalka iyo Ciidamadii saarna toona”. ayuu hadalkiia kusii daray Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka, isagoo xusay in Sawaariikhda lagu weeraray Markabka in laga soo tuuray deegaannada ay maamulaan Kooxaha Xuuthiyiinta.



Illaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka Sawaariikhda ah ee lagu qaaday Marakbka dagaalka Mareykanka ee ku sugnaa Xeebaha Wadanka Yemen, hase yeeshee weerarkan waxa uu imaanayaa xilli todobaadkii hore ay Kooxaha Shiicada ee Xuuthiyiinta weerar ku qaadeen Markab laga leeyahay dalka Imaaraatka Imaaraatka oo Shixnado gar gaar oo raashiin iyo dawooyin isugu jira u siday magaalada Cadan ee Koonfurta Dalka Yemen.

Weerarka lagu qaaday Markabka waxa uu sababay in gudihiisa uu dab ka kaco, iyadoo markii dambe ay usoo gurmadeen Ciidamada Taxaalufka Dowladaha Carabta ee ka howl-gala Wadanka Yemen, kuwaas oo daad gureeyay rakaabkii iyo Shaqaalihii saarnaa Markabkaasi.

Kooxaha Shiicada ee Xuuthiyiinta waxay sheegeen in Markabka ay beegsadeen uu ahaa Markab nooca dagaalka oo ay leedahay Dowladda Imaaraatka Carabta, balse Isbaheysiga Dowladaha Carabta ayaa tilmaamay in Marakabka la beegsaday uu ahaa mid Xamuul ah oo Shixnado kala duwan u siday magaalada Cadan.

Related Items