Xarakada Xamaas oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Laba Yahuud ah lagu Dilay oo Ka Dhacay Magaalada Al-Qudus.

Tuesday October 11, 2016 - 05:36:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarakada Xamaas oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Laba Yahuud ah lagu Dilay oo Ka Dhacay Magaalada Al-Qudus.

    Laba ruux oo Yahuud ah ayaa dhintay, lix kalena way dhaawacmeen kadib markii toogasho ay ka dhacday Xaafadda Sheekh Jarraax ee bariga magaalada Al-Qudus ee xoogga ay ku heystaan Yahuudda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba ruux oo Yahuud ah ayaa dhintay, lix kalena way dhaawacmeen kadib markii toogasho ay ka dhacday Xaafadda Sheekh Jarraax ee bariga magaalada Al-Qudus ee xoogga ay ku heystaan Yahuudda.


Afhayeen u hadlay Ciidamada Gumeysiga Sahyuuniyadda ayaa sheegay in weerarka toogashada ah uu fuliyay Nin dhallinyaro ah oo Filastiini ah oo kasoo jeeda Xaafadda Salwaan ee magaalada Al-Qudus, wuxuuna tilmaamay in Ciidamada Bileyska ay markii dambe toogasho ku dileen Ninka weerarkaas geystay.

Xarakada Xammaas ee ka talisa Jiidda Gaza ayaa sheegatay mas’uuliyadda howl-galka ka dhacay magaalada Al-Qudus, iyadoona sheegtay in weerarka uu fuliyay mid ka mid ah dagaal yahanadooda oo lagu magacabo Misbaax Abuu Subeyx.



Bayaan kasoo baxay Ururka Xamaas ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galka ka dhacay bariga magaalada Al-Qudus inuu qeyb ka yahay kacdoonka ay wadaan dadweynaha Filastiiniyiinta ee ay kaga dhiidhinayaan gumeysiga Sahyuuniyadda iyo tacadiyaatka ka dhanka ah Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo goobaha kale ee Muqadasaatka ah ee kuyaalla magaalada Al-Qudus.

Telefinka Al-Aqsaa ee ku hadla Afka Xarakada Xammaas ayaa baahiyay dar daaran uu jeediyay Ninkii fuliyay weerarkii hubeysanaa ee ka dhacay magaalada Al-Qudus, waxaana Misxaab Abuu Subeyx uu Muuqaalkaasi ku sheegay in weerarkiisa uu ku difaacayo Masjidka Al-Aqsa ee tacaddiyada ay kula kacayaan dadka Yahuudda ah.

Tan iyo bishii October ee Sannadkii 2015-kii waxaa deegaannada kala duwan ee ay dagaan dadka Filastiiniyiinta ah ka dhacay howlgallo kaligii duulnimo ah oo ay fuliyeen dhallinyaro Filastiiniyiin ah, iyadoona howl-galladaasi lagu laayay tobaneeyo ka tiran dadka Yahuudda ee xoogga lagu dejiyay dhulka ay leeyihiin Muslimiinta reer Filastiin.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items