Muwaadin American Ah oo Lagu Qafaashay Wadanka Niger Ee Qaaradda Afrika.

Saturday October 15, 2016 - 16:21:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin American Ah oo Lagu Qafaashay Wadanka Niger Ee Qaaradda Afrika.

    Wararka ka imaanaya wadanka Niger ee dhaca galbeedka qaaradda afrika ayaa sheegaya in howlgal hubeysan oo lagu qafaashay muwaadin reer galbeed ah uu ka dhacay waqooyi Bari wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Niger ee dhaca galbeedka qaaradda afrika ayaa sheegaya in howlgal hubeysan oo lagu qafaashay muwaadin reer galbeed ah uu ka dhacay waqooyi Bari wadankaasi.

Mas’uul u hadlay xukuumadda Niger ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xoogag hubeysan ay weerar ku qaadeen mandiqadda Abalaak oo katirsan gobolka Tahaawa islamarkaana 350 KM waqooyi bari uga beegan magaalada caasimadda ay ee Niyami.

Mas’uul u hadlay xukuumadda Niger ayaa xaqiijiyay in iska hor’imaad dhaxmaray xoogaga qafaalka geystay iyo ilaalada muwaadinka Mareykanka ay ku dhinteen 2 qof oo Niger u dhashay.

Saraakiisha booliska waxay xaqiijiyeen in xoogag Jihaadi ah oo dhanka xadka ay wadaagaan Maali iyo Niger kasoo tallaabay ay u suurtagashay in ay qafaashaan qof Mareykan ah oo qaab howlgal bani’aadanimo ku joogay wadankaasi.


Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Washington ayaa lagu xaqiijiyay in qof Mareykan ah lagu qafaashay wadanka Niger.

Waa Markii ugu horraysay oo muwaadin American ah lagu qafaasho wadanka Niger waxaana afduubkaas lagu tuhmayaa xoogaga Al Qaacidda ee ka dagaalama wadanka Mali.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items