Dowladda Turkiga oo Sheegtay in Ay Ka Qeyb Gelayso Duullaanka Lagu Qaaday Magaalada Muusil.

Wednesday October 19, 2016 - 07:54:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Turkiga oo Sheegtay in Ay Ka Qeyb Gelayso Duullaanka Lagu Qaaday Magaalada Muusil.

    War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda dabadhilifka Turkiga ayay ku sheegtay in si buuxda ay uga qeyb geli doonto duullaanka ballaaran ee lagu qaaday Magaalada Muusil ee waqooyiga Ciraaq dhacda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Melleteriga Turkiga ayaa saldhig ku leyahay deegaanka Bacshiiqah Ee Duleedka Muusil
War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda dabadhilifka Turkiga ayay ku sheegtay in si buuxda ay uga qeyb geli doonto duullaanka ballaaran ee lagu qaaday Magaalada Muusil ee waqooyiga Ciraaq dhacda.

Wasiirka difaaca dowladda Turkiga ayaa warbaahinta u sheegay in isbahaysiga caalamiga ee Mareykanku hoggaaminayo uu ogolaaday in Turkiga ciidan lugta iyo cirka ah uga qeyb qaadato dagaalka Muusil.

Shir ay wasiirrada difaaca dowladaha dhaca Koonfur Bari qaaradda Yurub ay ku yeesheen magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayuu Turkigu ku iclaamiyay in ay qeyb ka yihiin duullaanka gardarrada ah ee lagu qaaday muslimiinta magaalada Muusil.


R/wasaaraha Turkiga Bin Cali Yeldarim ayaa xukuumadda shiicadu ku badantahay ee Ciraaq ku eedeeyay in maleeshiyaad shiico ah ay u dirtay Muusil si ay falal dambiyeedyo ugu geystaan Suniyiinta.

Kumanaan katirsan Melleteriga Turkiga ayaa saldhig melleteri ku leh deegaanka Bacshiiqah oo qiyaastii 14 KM ujira magaalada Muusil.

Dhinacyo kala duwan oo cadaw ah ayaa ubira tumanaya muslimiinta ku nool magaalada Muusil, culimaa’udiin katirsan Mujaahidiinta Shaam ayaa ugu baaqay Ahlu sunaha Ciraaq in ay si wadajir ah isaga difaacaan duullaanka Muusil.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items