Dhageyso: Ganacsato Shirkadoodii uu Boobay Xasan Gurguurte oo Ku Hanjabay in ay Ku Biirayaan Xarakada Al Shabaab.

Friday October 21, 2016 - 06:46:47 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Ganacsato Shirkadoodii uu Boobay Xasan Gurguurte oo Ku Hanjabay in ay Ku Biirayaan Xarakada Al Shabaab.

    Ururka Damul Jadiid oo kaashanaya shirkado calooshood u shaqeystayaal ah oo laga leeyahay wadanka Turkiga ayaa boob dhan walba ah ku haaya dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Damul Jadiid oo kaashanaya shirkado calooshood u shaqeystayaal ah oo laga leeyahay wadanka Turkiga ayaa boob dhan walba ah ku haaya dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.



Muddo dhawr sano ah waxaa muqdisho ka hawl galayay shirkado iskood isu abaabulay oo qashinka ka daabulayay xaafadaha magaalada dadkana ka qaadayay lacagaha looga qaadayo qashinka.

Shirkadahaasi ayaa waxaa ku dul noolaa dadweyne fara badan oo u shaqo tagi jiray kana xoogsan jiray,markii madaxda dowladda Federaalka ay arkeen in mashruucaas ay ku hoos  noolyihin boqolaal qoys ayay go’aansadeen inay cunqateeyaan kana joojiyaan shaqada.



Shir ka dhacay madaxtooyada ayaa looga wacay milkiilayaasha shirkadah qashinka daabula waxaana loo sheegay in nadaafadda muqdisho lagu wareejiyay shirkad laakiin baaritaan kadib la ogaaday in shirkaddaasi ay leeyihiin Xassan sheekh iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Qaar ka tirsan raggii loo yeeray ayaa warbaahinta u sheegay in madaxda dowladda Federaalka ay dadka ka cunaqabateynayaan meel waliba iminkana ay ugu soo galeen qashinkii ay nolosha ka raadsanayeen.

Ganacsatada shaqadoodii la boobay ayaa ku hanjabay in haddii dhaqaale boobku uu kasii socdo magaalada Muqdisho ay qariga qaadi doonaan ayna ku biiri doonaan safka xarakada Al Shabaab si ay ula dagaalamaan shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay.

Halkan ka dhageyso Ganacsade ka hadlaya qaabka shirkadoodii loo inqilaabay MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items