Dhageyso:Wilaayada Sh/hoose Oo Cafis U Fidisay Tiro Maxaabiis Ah Munaasabadda Ciida Aawadeed.

Wednesday July 30, 2014 - 06:42:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Wilaayada Sh/hoose Oo Cafis U Fidisay Tiro Maxaabiis Ah Munaasabadda Ciida Aawadeed.

    Maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa maanta xabsiga degmada Baraawe kasii daayay shan maxaabiis ah munaasabadda ciidul Fidriga darteed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa maanta xabsiga degmada Baraawe kasii daayay shan maxaabiis ah munaasabadda ciidul Fidriga darteed.

Dunuubtii ay horey u galeen ragga cafiska loo fidiyay ma ahayn kuwa waaweyn oo gaarsiisan xad sidaa darteed ayuuna maamulku sheegay inuu u cafiyay.

Ragga lasii daayay waxaa kamid ah nin xashiish lagu soo qabtay, mid iibinta qaadka looga maaran waayay iyo nin qof horey u dilay, marki la qisaasi rabayna ay cafiyeen dadkii dhiigga lahaa, ninkaasoo wilaayadu u xirtay tacsiir ahaan.



Sh/Maxamad Abuu Cabdallaah oo ka hadlay munaasabada sii deynta ayaa sheegay in shantan ruux ay xor yihiin hadda kadibna looga baahan yahay iney iska ilaaliyaan wax yaabaha lagu soo xiray ee ay markii hore xabsiga ku muteysteen.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay iney Allaah ka baqaan, diinta bartaan islamarkaana dariiq xalaal ah wax ku raadiyaan.

Muuqaalka maxaabiista lasii daayay wuxuu ahaa mid qurxoon. Marki aad aragto maxaabiista qaar ismaba oraneysid dadkan ayaa xabsi kasoo baxay. Waxay labisnaayeen dhar cusub oo ay wilaayadu u qeybisay.

Qaar kamid ah oo aan cod baahiyaha la dhex qaadnay ayaa inoo sheegay in ay xabsiga ku barteen Qur’aan, axaadiith iyo wax yaabo kale oo la xiriira diinta islaamka.

Ma jirin wax dhib ah oo ay ka sheegteen dadka xabsi haye-yaasha ah iyagoo si gaar ah ugu mahad celiyay culimada qaabilsan wax barista dadka maxaabiista ah.

Maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa waxay kala yihiin, Cabdullaahi Muuse Xassan, Axmad Jeylaani Siimbaaw, Xuseyn Maxamad Awal, Xassan Cali Cuamr, Idriis Ibraahim Sh/Cabdi.

Halkan Ka Dhageyso Codka Sh Abuu Cabdalla.

Halkan Ka Dhagayso Maxaabiista


Related Items